Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo Dhameystay kulan Hawleed maalmo socdey
Hargeysa April 26,2012(SDN)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta JSl Mudane Boobe Yuusuf Ducaale ayaa maanta soo gebagebeeyey kulan hawleed muddo sadex maalmood ah waaxyaha wasaaradda uga soconayey Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysa.
Kulankan oo ahaa aqoon isweydaarsi ay ka qayb qaadanayeen mas’uuliyiinta kala duwan ee waaxyaha wasaaraddani ka kooban tahay waxaa dib loogu eegayey qorshaha wasaaradeed ee socda, halka la taagan yahay, iyo weliba meesha la higsanayo, waxaana laga soo saaray Go’aamo dhaxalgal ah oo ku aaddan qorshaha shanta sano ee soo socda ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland ay ku dhaqmayso.
Qaybahii kala duwanaa ee ka qayb qaadanayey aqoon is weydaarsigan oo ay ka mid ahaayeen, xubno ka socda dalladda dhalinyarada ee Sonyo, iyo marti sharaf kale ayaa waxaa la isla qaatay aragtida, waajibaadka, istiraatiijiyadda maanta iyo ta mustaqbalka ee wasaaradda warfaafinta iyo qodobo kale oo muhiim u ah hirgalinta qorshaha shanta sano ee soo socda.
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Mudane faysal Cali Sheekh oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim u tahay in la is dareensiiyo waxyaabihii wasaaradda u qabsoomay mudadii sanadka iyo badhka ahayd ee la soo dhaafay, waxaanu xusay agaasimuhu la keenay idaacaddii weynayd ee dalka iyo dadkuba ay baahida balaadhan u qabeen,isla markaana Telefishanka qaranka la gaadhsiiyey dacalada dunida, waxaanu intaas ku daray in shaqaalaha wasaarada laga dhigay kuwo rasmi ah, hawlahaas oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo aan suuro gelin mudadii 20 sano ahayd ee ka dambaysay markii Somaliland la soo noqtay madaxbanaanideeda sanadkii 1991-kii.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo Wacyigelinta JSL Mudane boobe Yusuf Ducaale ayaa tilmaamay in maanta ay suurogashay in la asteeyo halka ay taagan tahay wasaaraddan mas’uuliyadeeda loo igmaday, lana suntay halka loo socdo, siyaabaha lagu gaadhi karo, fursadaha la haysto iyo dhibaatooyinka hortaagan ee ay tahay in laga gudbo.
Wasiirku waxuu sheegay in hawlwadeenada wasaarada oo ah koox isku xidhan wadaagna ku ah shaqada in looga fadhiyo inay muujiyaan isbedelkii lagu doortay xukuumadda Kulmiye ee hadda xafiiska joogta, taasoo uu ku tilmaamay in lagu gaadhi karo marka lala yimaado curin iyo dadaal.
Mudane Boobe wuxuu kula dardaarmay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda inay xantooda maqlaan oo ay bedelaan waxii loo arko inay khaldameen, waxuuna u ballanqaaday waaxyaha wasaaradda in laga dabooli doono baahiyaha qalab ee ay sheegteen iyadoo laga duulayo marxaladda hadba jirta.
Gebagebadii wasiirku wuxuu si adag baaq u jeediyey Mas’uuliyiinta Qaranka oo uu ka dalbaday inay xidhiidh joogto ah la sameeyaan waaxyaha wasaaradda.
SDN-Hargeysa