|

WAR DEG DEGA:Madaxweynaha Eritrea oo Geeriyooday

Asmara April 25,2012(SDN)-War aan weli la xaqiijin oo la isla dhexmarayo warbaahinta Caalamka ayaa tibaaxaya in Madaxweyniha dalka Eritrea Ezeyas Afworki uu dhawaan ku geeriyoodey dalka Dibediisa.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu qabay xanuun dhawr ah mudooyinkii u danbeeyay isla markaana todobaadkii dhawaan dalka dibedda looga qaaday.

Wararku ma shaacin dalka daweynta loogu qaaday,waxase la sheegaya in madaxweynuhu uu todobaadba mootanaa.

Dawlada xirxiran ee dalkaas ayaan ilaa haatan ka hadal xaalada caafimaad iyo tan geerida ahba ee ku saabsan madaxweynahooda.

Caalamka ayaa godoomiyay dalka Eritrea ka dib colaado soo noqnoqdey iyo taagero ay u fidiyaan Kooxda Al Shabaab.

SDN-Asmara

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed