Hargeysa: Masuuliyiinta Xatooyada raashinka deeqda ah ku eedaysan oo maalintii saddexaad Maxkamadda la horgeeyay
Hargeysa 25, April 2012 (Qurbejoog.com)- Saddex masuul oo hore dawladda xilal uga hayay, kuna eedaysan inay leexsadeen raashin mucaawino ah, ayaa maanta markii saddexaad la horgeeyay Maxkamadda gobolka Hargeysa.
Masuuliyiintaas hore iyo laba qof oo la xidhan oo Maxkamaddu tan iyo 16-kii bishan dhegaysiga dacwadooda ku jirtay, waxay kala guddoomiyihii hore ee gobolka Hargeysa, Axmed Cumar Cabdullaahi (Xamarje), Agaasimihii guud ee wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre iyo Lataliyihii Madaxweyne kuxigeenka Cusmaan Siciid Jaamac.
Saddexdaa xubnood waxa la xidhay 10 March, iyadoo isla maalintaasna uu Madaxweynuhu ka caydhiyay xilalkii ay dawladda u hayeen.
Dacwadda leexsadashada raashinkaa mucaawimada ah oo ka yimi dawladda Cumaan, waxa ku eedaysan ilaa 13 qof, kuwaasoo aan intooda badan gacanta lagu haynin.
Ciidanka amaanku waxay maanta aad u adkeeyeen amaanka Maxkamadda intii dhegaysiga dacwaddu socotay, waxayna xidheen dhamaan jidadka gala dhismeyaasha maxkamaddaha Hoose oo ay ku dhex taalo Maxkamadda gobolka Hargeysa.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com