|

Jaaliyadaha Reer Somaliland ee Britain iyo Kenya oo ku taageeray xukuumada Gaankii ka noqoshada wadahadalada Soomaaliya

London April 23,2012(SDN)-Jaaliyadaha Somaliland ee ku nool Dalalka Ingiriiska iyo Kenya ayaa Maanta ku taageeray Xukuumada Somaliland Go’aankii ay ku hakisay wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somalia .

Jaaliyadaha Somaliland ee Ingiriiska iyo Kenya ku nool ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” waxa ay ku amaaneen magacaabistii shanta wasiir ee uu u igmaday sii diyaarinta arimaha farsamo ee Somaliland kala hadlayso Somalia si waafaqsan Go’aankii ay 23kii bishii labaad ee Sannadkan ay beeshu ka soo saartay Magaalada London .

Labadan jaaliyadood waxay canbaareeyeen Madaxweynaha dawlada ku meel gaadhka ah ee Somalia ee Wakhtigeedu gabaabsiga yahay uu Gudidii farsamo ee wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland uu ku soo daray laba xubnood oo ka soo jeeda goboladda Sool iyo Sanaag bari,taas oo baal marsan ayay yidhaahdeen go’aamadii shirkii London ee beesha caalamku ku go’aamisay in Somaliland iyo Somalia ay ka wada hadlaan xidhiidhkooda mustaqbalka danbe.

Jaaliyadaha reer Somaliland iyo Kenya waxa ay sheegeen inay Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay ku taageersan yihiin Go’aan kasta oo u adeegaya maslaxada qaranimada Somaliland .

 SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed