Booliska Burco oo ka hadlay 20 qof oo lagu xidhay Mudaharaadkii urur-siyaasadeedka UDHIS sameeyay
Burco 22, April 2012 (Qurbejoog.com)- Ciidanka amaanka ee magaalada Burco, ayaa xabsiga dhigay ilaa 20 qof oo ka tirsan taageerayaasha urur-siyaasadeedka UDHIS oo ka mid ah 9-ka urur ee ku guuldaraystay inay u gudbaan ka qaybgalka tartanka doorashada Deegaanka Somaliland.
Guddoomiyaha garabka Haweenka ururkaas marwo Raxma Jaamac oo u warantay telefishanka HCTV, waxay sheegtay in ciidan tiro badan oo Boolis ahi subaxnimadii maanta ku weerareen xafiiska ururkaas, isla markaana ay garaacis iyo xadhig kula kaceen qaar ka mid ah taageerayaasha ururka UDHIS ee Burco oo halkaas u tegay, si ay uga qaybqaataan mudaharaad ay qaar ka mid ah madaxda urur-siyaasadeedyada dhacay iclaamiyeen.
Waxay sheegtay in dad haween u badan ay Boolisku ku garaaceen xafiiska urur-siyaasadeedka UDHIS ee Burco oo ay hortiisa ku soo urureen. “Anagoo ah dumar iyo haween xaasas ah oo jilicsan ayay Boolisku na jiid-jiideen,” ayay tidhi. “Waxay naga xidheen ilaa 20 qof,” ayay hadalkeeda raacisay.
Dhinaca kale, taliyaha qaybta Booliska Togdheer Mr. Saleebaan Dhego-cadde oo u waramay Telefishankaas, waxa uu sheegay in ciidanku hawlgalkii maanta ee ay kaga hortagayeen mudaharaadka Burco ay ku xidheen labaataneeyo qof oo ka tirsan taageerayaasha urur-siyaasadeedka UDHIS.
Taliyuhu waxa uu sheegay in dhamaan dadkaas ay saldhigyada Burco ka sii daayeen markii ay xaalada magaaladu degtay.
Mudaharaadyada ay 7 ka mid ah sagaalka urur ee hadhay ku baaqeen, waxa ay sheegeen inuu socon doono muddo saddex maalmood ah, inkastoo ay maanta ciidanka amaanka ee magaalooyinka waawayn ee dalku ku guulaysteen inay ka hortagaan qabsoomida dibad-baxyadaas.
Xukuumaddu waxay sheegtay in aan fasax loo haysan mudaharaadyo, isla markaana ay ururada hadhay u furantahay in haddii ay cabasho qabaan ay dacwad u gudbiyaan Maxkamaddaha dalka.
Qurbejoog.com, Burco