Qurbejoogta Reer Yurub ee Beesha Garxajis oo Kulan Yeeshay
London April 22,2012(SDN)-Kulan Dhanka Telephoneka ah oo ay xalay yeesheen qaar ka mida waxgaradka Beesha Garxajis Weyne ayaa la iskula soo qaaday arrimo ku koobnaa xaaladihii u danbeeyay ee dalka.
Kulankan oo daba socday mid dhawr maalmood ka hor ay yeesheen Qurbejooga Beesha Garxajis ee Woqooyiga America ayaa isna lagu eegay xaaladaha ay ka midka yihiin isreebreebka Ururada,wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo dhacdadii shirweynihii xusbiga Kulmiye ee sida foosha xun loogu bahdilay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cabdiqadir.
Beesha Waxgaradkeedu waxa uu is tusay in iminka ay muuqato in qodobada dusha ku xusan gebi lagu maareynayo nidaam Qabali ah,sidaa owgeedna haatan loo bahan yahay in wada tashi la yeesho.
Beesha Gaxajis ee Yurub ayaa soo dhaweeyay Shidaal Baadhista degaanadooda laga bilaabay.
Waxgaradka Reer Yurub ee Garxajis waxa ay baaq u direen Culimada Siyaasiyiinta Madaxdhaqameedka iyo Aqoonyahanada Beesha oo ay fareen in ay ka feejignaadaan marxalada cusub ee ay haatan Somaliland Gashay.
Qurbejooga Garxajis waxa ay isku guubaabiyeen gacan ka geysadka dedaalada dalka wax loogu qabanayo iyo dhiiri gelinta dhalaanka beesha.
Qurbejooga Garxajis ee Yurub waxa ay ugu baaqeen beelaha reer Somaliland in ay nabad mar walba ku raadiyaan waxa ay kolba tabanayaan.
Xukuumada Somalilandna waxa ay ku booriyeen in aaney iloobin in mucaarid iyo muxaafidba ay metesho,hadii taa la garab marana uu xaalku noqondoono jaantaa rogan.
Ugu danbeyntiinak Kulanka waxa lagu gunaananaday Duco iyo alle bari Eebe looga baryayo in Muslimka meel ay joogaanba uu gacan qabto.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com