|

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta xafiiskiisa ku qaabiley wafdi ka tirsan Qaramada Midoobey

Muqdisho, April, 22,2012(SDN)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdi caalami ah ee ka tirsan  xubnaha ugu sareeyo ee gudiga madaxa banaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanimadda.
 
Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafidiga ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha bini’aadanimo, Xuquuqul Insaanka iyo waliba Xuquuqda haweenka.
 
Kulanka kadib ayaa Waxaa saxaafadda si wada jir ah ula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa gudiga madaxa banana ee Qaramada Midoobay Shamsu daar.
 
Ugu horeyn waxaa warbaahinta la hadlay Ra’iisul Wasaaraha oo saxaafadda u sheegay waxa ay ka wada hadleen xubnaha ka tirsan Qaramada Midoobay.
 
“Waxaa xafiiskeyga ku qaabilay gudiga madaxa banaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanimadda oo aan ka wada hadalney arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso arrimaha Xuquuqul Insaanka iyo waliba dhowrista Xaquuqda haweenka iyo Sidii loo dardar gelin lahaa howlaha socda imminka ee Roadmap-ka” ayuu yiri.
 
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday iney ka wada hadleyn dhowrista Xuquuqda Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo waliba sidii la isaga kaashan lahaa, wuxuuna Wariyayaasha ku amaaney iney duruufo adag ku shaqeyaan mararka qaarna ay la kulmaan dhibaatooyin balse laga gudbi doono dhamaan arrimahaasi.
 
Dhinaca kale, waxaa isna Saxaafadda la hadlay Shamsu daar oo ah madaxa gudiga madaxabanaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka, Wuxuuna ugu horeyn u mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo sida loogu soo dhaweeyay xafiis, Wuxuuna warbaahinta u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu yimaado Magaalada Muqdisho, Islamarkaana uu gudigiisa dadka Soomaaliyeed uu kala shaqeeyo hormarinta arrimaha Xuquuqul Insaanka ayna xiriir wanaagsan la leeyihiin dowladda KMG Soomaaliya.
 
Ugu dambeyntii Shamsu daar ayaa u mahadceliyay Wariyayaasha, Isagoona soo hadal qaaday in dowaladda iyo hay’adaha kaleba ay ka wada shaqeyn doonaan dhowrista xuquuqul Insaanka.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed