|

Madaxweyne SIILAANYO: Mid Hogaankiisu Ku caan Ahaa, Musuqmaasaqa, iyo Qabyaalada Xiligii Halgankii SNM, Iyo Xiligan Xaadirka ahba

Madaxweyne SIILAANYO: Mid Hogaankiisu Ku caan Ahaa, Musuqmaasaqa, iyo Qabyaalada Xiligii Halgankii SNM, Iyo Xiligan Xaadirka ahba, by DACAR.

Xiligii Halgankii SNM ee Madaxweyne Siilaanyo Hogaanka Xusbiga hayey, ayaa ahaa mid aad Ugu caanbaxay, Lunsiga, iyo Musuqmaasaqa, Dhaqaalihii Xusbiga, ee Laga Soo Urrurn Jirey Qurbaha.

Xaligan isaga ah, ayaa dadwaynahu Waxa ay is waydiin jireen, halka Lacagta
Loo Soo urruriyey SNM, ay Marto, iyada oo marwalba ku Aroori Jirtey
Dhinaca Gudoomiyaha.

Xiligaa, Sida iminkadan Dhacdayba, Gudoomiyuhu Waxa uu Xafiis wal oo Dhaqaale soo galaba uu Dhigtay rag u Tirsan, Ragaas oo soo qaada Lacagta, isna uu Difaaco oo Yidhaahdo ” “Waar Iskaga Taga Masaakiinta Waxba May dhicine”.

Waxa aan Ku arkay London rag badan oo Kadib markii ay ku cadaatay inay
lunsadeen Xoolihii SNM, Lagu Xidh Xidhay, Darir-dhabe, isla Markaana uu
Siilaanyo U Fidiyey Cafis sida uu iminkaba Ugu fidiyey cafis Raga Musuqmaasaqa loo hayso.

Leadership kii ama Hogaankii Siilaanyo, ee xaligii SNM waxa uu ahaa Mid
ay Naafaysay Musuqmaasaq Iyo qabyaalad. Marar badana uu Urrurku ku Burburi Gaadhey.

Habka, ama Nidaamka Hogaamiyeed ee Siilaanyo ayaa ah Mid reeba Boogo, ama Godob, aad u kahatara oo aan waligood baaba,in, Kaas oo u isticimaala
qabyaalada Dhufays ama gabood uu ku Gabado.

Siilaanyo ayaa caan ku ah, Sida Loogu ciyaaro maskaxda dadwaynaha, isaga
oo marba ka hilaaca meel aan loo fadhiyin.

Balabqaadyadii Xiligii doorashada ayaa wada beenoobey, beentaas ayay
reer togdheer ugu magacdareen Madaxweynaha, Somaliland iyaga oo ugu Yeedha AXMED HUNGO.

Cabdi Qadir Jama Ismail Dacar USA Ca.
Gobanimodoon@sbcglobal.net

Political Science Educator.

Comments are closed