|

Ruushka iyo China oo Wadajir Dhoolotus u sameeyay

Shangdong April 22,2012(SDN)-Dalalka Ruushka iyo shiinaha  ayaa  maanta  Bilaabay dhoolatus milateri oo dhinaca badda oo ah kii ugu horeeyey ee ay wada jir u sameeyaan, dhoolatuskaasi oo ay ka bilaabeen Biyaha Badda shiinaha,dhoolatuskan oo ay labada dal bilaabeen waqti xiisadi ay u dhexayso dalka shiinaha  iyo dalalka kale ee Eeshiyaanka ah ee la jaarka ah.

Wakaalada wararka ee  chaina News ayaa waxa ay sheegtay in dhoolatuskan milateri oo ah kii ugu horeeyey ee ay ciidamada abada dal ay wada jir u sameeyaan  uu muddo lix maalmood ah ka socon doono xeebta Bariga dalkaasi  ee xeebta gobolka Shandong.

Dalka shiinaha  ayaa  horaantii bishii March waxa  uu sheegay in  ciidankiisa oo xagga tirade lagu tilmaamo  kan ugu  badan adduunka inuu ku samaynayo casriyey, waxaanuu  kordhiyey sanadkan 2012-ka miisaaniyada Gaashaandhiga  in ka badan  Boqol-kiiba toban – 10% -.

Wakaalada wararka ee  lagu magacaabo  Shiinaha Cusub (New Chaina) ayaa iyana waxa ay sheegtay in dhoolatus-kani uu isugu jiro  hawl- galada dhinaca difaaca cirka, dhinaca tatikada  ka hor-taga gujisyada ah iyo howl-galada dhinaca samata bixinta ah.

Dhoolatuskan wax aka qayb gelaya ilaa lix iyo toban  Markab iyo Gujisyada  ciidanka shiinuhu ay leeyihiin  iyo ilaa afar maraakiibta dagaalka ah  oo ay ciidanka dalka Ruushku ay leeyihiin.

SDN-Shandong

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed