|

Wasiirka Arrimha Guddaha oo Jawaab ka bixiyay cabashada Ururadii ku hadhay isku Shaandheynta

Hargeysa April 22,2012(SDN)-Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha ee JSl Mudane maxamed Nuur carraale Duur ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa kagana hadlay tabashooyinka qaar ka mid ah ururada ku hadhay qorshahii natiijada qiimaynta ururada ee gudida diiwaangelintu soo saartay.

wasiirku waxuu u jeediyey ururada in tabashooyinka ay sheeganayaan ay u marayaan dariiqa saxda ah ee garsoorka iyo  cadaalada, waxuuna sheegay inaan loo dul qaadan doonin cid kasta oo sharciga baal maraysa, abuuraysayna xiisad amni darro keeni karta.

Shirka jaraa’id  wasiirka arimaha guduhu  ku sheegay ciddii ku qanci weyda go’aanka gudida diiwaan gelinta inay u furan tahay inay maraan wadada Garnaqsiga iyo hay’adaha u xilsaaran cadaaladda, waxana uu wasiirku ku adkaystay in cidii aan ku kalsoonaan hay’adaha sharciga ah loo aqoonsanayo inuu baal marsan yahay sharciga iyo nadaamka dawladeed ee wadankan u yaalla.

Intii uu socday shirkaasi jaraa’id waxa uu wasiirku mahadnaq u jeediyaey ururada hadhay ee hadana ku qancay natiijadii gudida diiwaangelinta kuwaasoo uu ku tilmaamay inay sharci dhowr yihiin isla markaana ay ka turjumayaan  bulshada Somaliland oo iyadu ah midda ilaashata amnigeeda iyo deganaanshaheeda.

Mudane Duur ayaa gebagebadii waxa uu xusay sida ay shacabka Somaliland sharafta ugu leeyihiin dhowrista qaranimada iyo nabadda, waxuuna ugu mahadnaqay sida ay u go’aansadeen inay ilaashadaan amnigooda.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed