|

Suldaan Maxamed oo ka digay khatar ka dhalan karta mudaharaad ay ku baaqeen Ururradii hadhay

Hargeysa, 22, April 2012 (SDN)- Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland ayaa Ururadda Siyaasadda ee ku hadhey qiimeyntii Guddida Diiwaangelinta Ururadda Siyaasadda u soo jeediyey inay joojiyaan Mudaharaadka ay ku baaqeen oo uu tilmaamay in uu wax weyn u dhimi karo Nabadgelyadda ay Somaliland ku naalooneysay labaatankii Sanno ee u danbeeyey.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa kale oo uu ugu baaqay Ururadda Cabashada ka muujiyey go’aankii Guddida Diiwaangelintu ku kala reebeen shan iyo tobankii Urur Siyaasadeed ee isu Diiwaangeliyey in ay Cabashadooda u maraan Sharciga iyo Xeerarka dalka u yaalla, isla markaana ay ka feejignaadaan waxa kasta oo Nabadgelyadda wax u dhimaya.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo qaar ka mid ah Warbaahinta u waramayey waxa uu sidoo kale ka digey Mudaharaadka ay ku baaqeen qaar ka mid ah Ururadda Siyaasadda ee hadhey, waxaanu u soo jeediyey shacabka reer Somaliland inay ilaashadaan Nabadgelyadda ay ku caano maaleen.
Suldaanka Guud oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Waxa aan ka hadlayaa arrintan Asxaabta, waxa aad moodaa in uu burbur ka soo bixi karo arrimaha ay ka dhawaajiyeen ee Asxaabtan meesha ka baxdey dhibaatooyin fara badana ay keeni karto oo ay inaga noqoto Mushkiladaa Xamar ka dhacdey inay Somaliland maanta ku danbayso. Waxa aan Asxaabta kula talin lahaa Sharciyadda ayaa u furan inay Mudaharaadkaas oo aan dadkooda iyo dadkooda u wanaagsaneyn ee u horseedi kara dhibaatadda ay arrintooda Maxkamadda ka furtaan inay dacwadooda u gudbin karaan Komishanka, markaas waxa aan ka baryayaa asxaabtaas Mudaharaadka ballanqaadey inay arrinkaas ka fiirsadaan oo ay Mudaharaadka wajigiisa ka fiirsadaan oo ay wajigiisa ka daayaan oo ay iyagu Kiiskooda furtaan waayo wax kastaa way dhici karaan Cadaalad darro way dhici kartaa, hawshan Mudaharaadkuna Qaranka ayey dhibaato soo gaadhsiin kartaa, Asxaabta inta hadheyna Xisbigaa Badbaado ayaa sheegay isagu inaanu Mudaharaad u gudbineyn arrintiisa, waxa aanan leeyahay walaalayaal inaga daaya Mudaharaad oo dad kaw iyo Labaatan Sanno arrimahooda warbaahinta ku dhiibanayey ayeynu aheyn Cadaaladuna waa dhaar oo haddey qoladaasi inay Cadaalad faleen ku dhaartaan dee Cadaaladeeda waa la arki karaa, waxa aanan asxaabta kula talinayaa oo aan leeyahay.”
Suldaan Maxamed oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi, “Waxa inagu soo socda kii Koonfureed ee Somaliland iyo Somalia wada hadlayeen, laakiin waa ay u muuqanaysaa haddii uu Mudaharaadkaasi Hirgalo dhibaato aan la fileyn inay soo baxdo, waxa aan leeyahay Mudaharaadkaas aad ku baaqdeen ka fiirsada Xukumaddana waxa aan leeyahay in ay iyadda laftigeedu ka fiirsato arrintan oo ay baadhis Xooggan ku sameyso Ummadda sidii Nabadgelyadooda loo sugi lahaa.”
SDN, Hargeisa

Comments are closed