|

Ururda Badbaado iyo Horyaal oo ku keliyeystay Aqbalaada Natiijadii kala Shaandheynta ururada Somaliland

Hargeysa April 21,2012(SDN)-Guddoomiyayaasha Ururada Horyaal iyo Badbaado oo ka mid ahaa ururaddii ku hadhay kala shaandheyntii ururadda siyaasadda, ayaa maanta ku gacan saydhay mudaharaad ay maanta soo jeediyeen Todobada urur ee kale ee Gudida diiwan gelintu ay sheegeen inay ku hadheen marxaladii labaad ee qiimaynta ahaa.

Waxaa Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Ururka Horyaal  Md. Maxamed Yuusuf Cali Gurey. Waxaanu ugu baaqay taageereyaashooda goboladda dalka inaanay ka qeyb qaadan mudaharaadka lagu baaqay waxna ka abaabulin.

War-saxaafadeedkaasi wuxuu u dhignaa sidan:-

“Urur Siyasaadeedka Horyaal isagoo hore u cadeeyay sida uu uga soo horjeedo isla markaana ugu qanacsanayn go’aankii ay soo saareen Gudidda Diwaan Gelinta Ururada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee ay ku sheegeen in Ururka Horyaal ku hadhay qiimayntii la sameeyay,wuxuu mar labaad ku celinayaa in uu mari doono dhabo sharci ah,taas oo ku soo ceshanayo dhamaan wixii xuquuq lahaa ee uu lahaa .

Sidaa darteed wuxuu ugu baaqayaa dhamaan taageerayaasha Horyaal ee jooga Gobolada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dibedaba in aanay ka qayb qaadan isla markaana abaabulin wax mudaaharaada Warsaxaafadeedkani waxa uu sheegay in Ururka Horyaal uu mar kasta u taagan yahay ilaalinta iyo dhawrista shuruucdda wadanka u taal,sidoo kalena marnaba ma dhiiri gelin doono wax Dalka iyo Dadka u horseeda qas iyo jaha wareer ku salaysan damac u gaara.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Ururka Bad baado Sh,Maxamed Cali Geedi oo saxaafada u waramayay ayaa qaadacay hadal ka soo yeedhay maanta qaar ka mid ah urur siyaasadeedyadii ku hadhay marxalada loogu gudbayo tartanka doorashada golayaasha deegaanka oo sheegay banaan bax ay samaynayaan dhamaanba ururadii aan u soo bixin marxalada doorashada golayaasha deegaamada .

Sh Maxamed Cali Geedi Gudoomiyaha ururka Badbaado waxa uu dareensiiyay ururada kale ee arrintan ku baaqay inaanay bulshadeenu u bislaan mudaharaadyada isla markaana ay mar walba ka dhashaan arrimo khalkhal gelinaya nabadgalyada guud ee qaranka, Gudoomiyaha Ururka badbaado wuxuu ka codsaday ururada kale inay ka noqdaan banaan baxa ay iclaamiyeen ,waxaa kale oo Gudoomiyaha Ururka Badbaado u soo jeediyay dhamaanba taageerayaasha ururkan in aanay ka qayb galin wax mudaharaad ah isagoo intaas ku daray in wixii tabasho ah ee ay tirsanayaan ay u marayaan dariiqa sharciga.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed