|

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo meelmariyay qaraar ku saabsan qulqulatooyinka dalka Siiriya

BEIRUT 21, April 2012 (Qurbejoog.com/LATimes)- Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa Sabtidii maanta isku raacay qaraar ku saabsan in saddex boqol oo kormeerayaal ah loo diro dalka Siiriya.

Sida uu faafiyay wargeyska Los Angeles Times, 300-kaa kormeerayaasha ahi waxay eegi doonaan sida ugu wanaagsan ee xabad-joojin aan jabin loo dhex dhigi lahaa dawladda Madaxweyne Bashar al-Assad iyo kooxaha ka horjeeda.

Qaraarkani waxa uu balaadhinayaa hawlgalkii kormeerayaasha 30-ka qof ee kormeerayaasha ahaa oo la ansixiyay todobaadkii hore. Laakiin, ilaa hadda waxa Siiriya gaadhay todoba keliya oo ka mid ah 30-kaa, iyadoo tiro kalena la rejaynayo inay Isniinta gaadhaan dalka Siiriya.

Qaraarkan Golaha Amaanku maanta meelmariyay, waxa uu dhigayaa in si degdeg ah loo dhameeyo qulqulatooyinka ka sii socda dalkaas.

Qaraarku waxa uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon awood u siiyay inuu diro kormeeryaashaas, iyadoo go’aankiisana uu ku salayn doono sida ay noqoto xaaladaha ka jira dalkaas.

Ahmad Fawzi oo ah afhayeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u xilsaartay xaalada Siiriya Mr. Kofi Annan, waxa uu sheegay in hawlgalkani inuu si buuxda u fulaa ay qaadanayso todobaadyo.

Qurbejoo.com, Beirut

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed