|

Hargeysa: Maayar Jiciir oo Booliska ku wareejiyay dhismaha Saldhig cusub

Hargeysa 21, April 2012 (Qurbejoog.com)- Maayarka Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismaha saldhig Boolis laga hirgelisay jidka suuqa Jajabka iyo xaafaddaha Guryosamo.

Saldhigan oo ay hirgelintiisa iska kaashadeen dawladda Hoose, Taliska Booliska iyo dadweynaha xaafaddaas, waxa laga hirgeliyay goob xudun u ah tuugta Hargeysa, kuwaasoo waxyeelayn iyo baadhashoba ku hayay dadweynaha dooxa ka talaaba, wuxuuna saldhigaaa cusubi ka kooban yahay 4 qol.

Maayarka caasimadda, ahna guddoomiyaha golaha Deegaanka Hargeysa, Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, waxa munaasibadaa ku weheliyay Taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Somaliland iyo Xoghayaha Fulinta dawladda Hoose.

En. Jiciir waxa uu markii uu xadhiga ka jaray ka dib uu fureyaasha saldhigaa si rasmi ah ugu wareejiyay taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Mr. Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), wuxuuna taliska ciidanka Booliska u soo jeediyay inay ciidan geeyaan saldhigaas.

Maayarka Caasimadu waxa uu sheegay in saldhigani wax weyn ka tarayo sugida nabadgelyadda caasimadda, waxaanu balanqaaday inay sii wadayaan wada-shaqaynta dawladda Hoose la leedahay ciidanka Booliska ee dhinaca adkaynta nabadgelyadda.

Guddoomiyaha guddida xaafadaas Xaaji Xuseen Cumar Bidhi-bidhi oo ka hadlay xafladii xadhiga lagaga jarayay saldhigaas, waxa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin dhismaha saldhigan oo uu tilmaamay inay baahi weyn u qabeen, isla markaana tuugtu ay dadka dooxa ka talaabaya ee u socda degmadda Maxamuud-Haybe ay ku baadhan jireen.

Xaaji Xuseen Bidhi-bidhi waxa uu u mahad celiyay dawladda Hoose ee Hargeysa oo uu sheegay inay bixisay dhaqaalaha ugu badan ee lagu dhisay saldhigan iyo ciidanka Booliska oo uu xusay inay kaalintoodii ka qaateen samaynta saldhigan.

Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Somaliland Mr. Cabdiraxmaan-Fooxle oo isna halkaa hadal kooban ka jeediyay, waxa uu sheegay inay dawladda Hoose ee Hargeysa tahay degmadda keliya ee ciidanka Booliska kala shaqaysa adkaynta nabadgelyadda iyo dhismaha rugaha iyo saldhigyadda Booliska. Waxa kale oo uu sheegay inay ciidan saldhigaas ka hawlgala keenayaan.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed