|

Colaadii Suuriya oo halkeedii ka sii socota

Dimishiq April 21,2012(SDN)-Wararka ka imanaya dalka Suuriya ayaa cadaynaya in maanta sabti ah ay dhinteen ugu yaraan Todoba iyo Konton Ruux ka dib markii ay Ciidamada Xukuumaddu duqayn la beegsadeen meelo ay degan yihiin Mucaaradka sida magaalooyinka Idlib iyo Xumis.

Wararku waxay intaas ku darayaan inaanu lugo adag ku taagnayn heshiiskii uu gadhwadeenka ka ahaa Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya iyo carabta Kofi Anan, heshiiskaas oo lagu doonayey in lagu dhameeyo rabshadaha dhibaatada dhaliyey eek a oogan dalka Suuriya mudada sanadka ah, kuwaasoo la aaminsan yahay inay ugu yaraan 1000 ruux ku geeriyoodeen.

Dhimashada maanta ka dhacaysa Suuriya waxay ku soo beegmaysaa xilli maanta ay golaha ammaanku u codaynayaan qorshe suuriya lagu gaynayo sadex Boqol oo kormeerayaal ah oo si madax banaan u hubsanaya xabad joojinta la doonayo inay ka dhaqan gasho dalkaasi, ka hor inta aan la gelin wejiga labaad ee Suuriya.

SDN-Dimishiq

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed