Shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE oo jawi degan ku bilaabmay iyo xubno loo ansixiyay Golaha dhexe
Hargeysa, 15, April 2012 (SDN)- Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa waxa lagu ansixiyay 39 xubnood oo ka mid noqon doona xaha Golaha dhexe.
Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo maalintii labaad ka socda hoolka Shirarka ee Mansoor hotel wax aka sooqaybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka tirsan Shirguddooonka golaha Wakiillada iyo dhamaan xubnaha uu ka kooban yahay Golaha dhexe Xisbiga KULMIYE.
Waxaana hadda loo qaybiyay ajandaha guud ee shirka.
Waxa laga yaabaa in goor dhaw la ansixiyo hogaanka sare ee Xisbigu yeelan doono.
La soco wixii warar ka soo kordha iyo hogaanka cusub ee la filayo in la doorto.
SDN, Hargeisa