Koonfurta Sudan oo gacanta ku dhigtay degaanka Shidaalka badan ee Heglig
Juba April 15,2012(SDN)-Madaxweyne ku xigeenka koonfurta Sudan Mr Reg Mishaal oo maanta warbaahinta caalamka kula hadlay caasimadda dalkiisa ee Jubba ayaa sheegay in ay gacata ku hayaan magaalada Heglig iyo goobaha shidaalka laga soo saaro.
Mr Reg Mishaal waxa uu intaasi ku daray in ay dib u celiyeen weeraro kaga yimid dhinaca xukuumadda Sudanta Waqooyi, taasoo ay k u sugan yihiin goobta lagu magacaabo Kalesana oo shan iyo labaatan Killo mitir xaga waqooyin ka xigta Helig.
Hase ahaatee xukuumadda Sudan tabaabushe xoogan gashay oo ciidan ururin ah , waxa ay sheegtay in saacadaha soo socda ay ka sifayn doonaan ciidamada Koonfurta Sudan magaalada Heglig iyo goobaheeda shidaalka, laakiin ilaa imika lama hayo warar madaxbanaan oo ka soo warama dagaalada Heglig.
Geesta kale, qaramada midoobay iyo ururka midawga Africa ayaa ugu baaqaya labada dawladood ee koonfurta iyo waqooyiga Sudan in ay dagaalada joojiyaan, , oo si nabad galyo ah lagu dhameeyo khilaafaadka dhexdooda ka aloosan.
SDN-Juba