Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo garab maray sharaxaada Isbedelka ugu weyn ee Somaliland soo wejahay intii uu talada hayay
Hargeysa April 15,2012(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo oo shalay khudbada dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Shirwenaha Gollaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Hargeysa ka socda ayaan ku soo qaadin isbedelada ugu hadal heynta badan ee xukuumadiisu la timi.
Isbedelka dhanka Siyaasada khaasatan ta ku wejahan dhanka Soomaaliya ayaa ah mid la odhan karo waxa ay u qorsheysneyn Madaxweynaha mudo,sababta oo ah waxa muuqda dhiirasho iyo rabitaan ku wejahan wadahadal ay labada dhan yeeshaan.
Madaxweynaha ayaan kiyoon xilkaba heyn laga dareemay qorshe ku wejahan wadahadal lala galo Soomaaliya.
Maba xumaateen siyaasadaasi hadii ay dhanka Soomaaliya ay jiri lahaayeen isbedelo iyo fursado keeni kara wadahadal labada dhan dhex mara.
Waxaase haatan rabitaanka wadahadalka ee dhanka Somaliland lagu tilmaami karaa ismaqiiq salka ku haya dano shaqsiyadeed.
Geesta kale qodobka kale ee Madaxweynuhu aanu khudbadiisa ku soo qaadan ee xukuumadiisa looaga fadghiyo wax ka qabashadeeda ayaa ah xaalada guddaha khaasatan dhanka degaano ka mida gobolka Sool.
Xukuumada Axmed Siilaanyo ayaa qodobada ay ku heshay kalsoonidii ay xilka kula wareegtay waxa ka mid ahaa in ay heyso una faro dhuudhuuban tahay arimaha Bariga dalka.
Waxaase loo wada joogay siyaasad li’ida xukuumada ee ina dhaxal siisay dagaal aan hadaf iyo higsi toona laheyn oo ina sii kala fogeeya.
Madaxweynaha waxa ay u aheyd in uu labadaa qodob ka hadalkooda uga faaiideysto khudbadii shalay.
Mana cadda in madaxweynuhu ogaan uga maagay ka hadalkooda iyo in aaney jirin qorsheyaal hufan uu yaala ama qorsheyaasha jira ay yihiin qaar aan cid walba lala wadaageyn.
Si kastaba ha ahaateen Xukuumada Axmed Siilaanyo waxa la dhawraa sida ay u soo bandhigto aakhirka qorsheyaasheeda ku wejahan qodobada kor ku xusan.
SDN-Hargeysa