Guddomiyaha Rugta Ganacsiga oo ka waramay Markab Burcad laga soo furtay,eedao iyo Maana ukala jeediayay Puntland iyo Galmudug
Hargeysa April 14,2012(SDN)-Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Somaliland Maxamed Shugri oo ay weheliyaan xubno ka mid ah ganacsatada Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada hargaysa ayaa cadeeyay inay markabkii u rarnaa ganacsato Somaliland oo mudo laba bilood ah kooxo budhcad badeed ahi ku haysteen deegaanada Puntland la soo daayay kadib markii la bixiyay lacag madax furasho ah oo dhan Sadex boqol oo kun oo dollar waxaa kale oo ay canbaarayn u soo jeediyeen Maamulka Punt land iyo madaxdooda dhaqanka .
Guddoomiyaha iyo Ganacsatada oo Shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Rugta Ganacsiga ee magaalada Hargeysa, waxay sheegeen inay la soo daayey markabka MV Leila ee ganacsatada u rarnaa ka dib markii laga bixiyey lacag madaxfurasho ah oo dhan $300,000 (Saddex boqol oo Kun oo Dollar).
Guddoomiyuhu waxa uu eedayn u jeediyey maamulka iyo madax-dhaqameedka maamul-goboleedka Puntland oo uu sheegay inay ka gaabiyeen kaalintii laga rabay inay ka qaataan gurmadka iyo waan-waanta lagu soo daayey markabka.
Waxa kale oo uu u mahad-celiyey maamulka, madax-dhaqameedka iyo ganacsatada maamul-goboleedka Galmudug oo uu sheegay inay ka dhiidhiyeen in deegaankooda lagu bililiqaysto xoolo ay leeyihiin ganacsatada Somaliland, isla markaana waxa uu xusay inay budhcadda ku qasbeen in dib loogu soo celiyo xeebaha Puntland halkaasi oo intii uu markabku ku sugnaa lagu bililiqaystay qayb ka mid ah badeecadihii markabka Saarnaa.
Dhanka kale, Guddoomiyaha iyo Ganacsatadu waxay tacsi u direen ehelladii uu ka baxay hal qof oo ku naf waayey dagaal ay dadka deegaanka maamulka Galmudug kala hor tageen kooxaha budhcad-badeedda ah iyo sidoo kale dadkii ku dhaawacmayba.
Wakiilka Markabka MV Leila Axmed-sayid Maxamed Mire oo mid ah ergada Somaliland ka tagtay ee ka hawl-galay soo-daynta Markabka ayaa isaguna waxa uu dhankiisa sheegay in Saacadaha soo socda uu Markabku soo gaadhi doono Somaliland, waxaanu nasiib-darro ku tilmaamay in deegaamada maamul-goboleedka Puntland Gabbood u noqdo budhcad-badeedda ka qawlaysata biyaha Badweynta Hindiya.
Sh. Axmed-sayid waxa kale oo uu waxba-kama-jiraan ku tilmaamay warbixin uu baahiyey Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo sheegay in maamulkooda ka hawl-galay soo-deynta markabka.
Masuuliyiinta waxay shirkooda jaraa’id ugu mahadceliyeen xukuumadda Somaliland, ganacsatada iyo culimada Galmudug iyo Puntland oo ay tilmaameen inay gacan ka geysteen soo-deynta markabka.
SDN-Hargeysa