Suudaan oo dagaal iclaamisay
Khartuum April 14,2012(SDN)-Xukuumada khartuum ayaa maanta sheegtay in ay weerar xoogan ku qaadayso magaalada Hegleg, ee todobaadkii dhawayd ay ciidamada koonfurta suudan gacanta ku dhigeen.
Magaalada Higlig oo ah halka ugu badan ee ay dawlada suudan ka soo saarto shiidalka ayay xooga saaraysaa sidii ay gacanteeda ugu soo noqon lahayd Higlig taas oo ay soo dul dhigtay magaaladaas ciidamo xoogan.
Sarkaal sare oo u hadaly ciidamada waqooyiga suudan waxa uu sheegay in ay ku sii siqayaan magaalada higlig , oo ay saacadaha soo socdana ay ka sifayn doonan magaaldaasi ciidamada koonfurta sudan .
Hase ahaate sarakiisha ciidmada koonfurta sudan waxa ay sheegayaan in higlig ay imika degen tahay , inkasto hadana aannu filayno in weeraro ay nagaga yimadaan dhinaca ciidmada waqooyiga sudan.
SDN-Khartuum