|

Omar Hammami (Al Amriki) oo la sheegay in la dilay

Muqdisho April 14,2012(SDN)-Ninka Jihaad doonka u tegay Soomaaliya ee u dhashay dalka Mareykanka ee Omar Hammami ayaa warbixin dhawaan la daabacay ay sheegtay in Shabaabku toogteen.

Amriki oo ku dhashay Daphine Alabama ayaa dhawaan sheeciyay cajalad Muuqaala oo uu ku sheegay in kooxda Shabaabku qorsheynayaan in ay dilaan.

Amriki ayaa sheegay in ay jirto qilaaf ka dhashay habka loo hirgelinayo Shareecada isla markaana loo dagaal gelayo.

The American Enterprise Institute Gulf of Aden Report ayaa daabacay warbixin ay ku sheegtay in Amriki la toogtay horaantii bishan.

Warbixinta ayaa soo xigatay war lagu daabacay bar internetka ah oo aan la sheegin ta ay tahay.

Weli ma jiraan wax cadeeymo ah oo muujinaya in ninkan la dilay ilaa iyo haatan.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed