Wasiirka Madaxtooyada oo magacaabay Madaxa Baratakoolka
Hargeysa, 03, Apr 2012 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Madaxa Baratakoolka Madaxtooyada, kaasoo uu u magacaabay Cabdraxmaan Maxamuud Ibraahim .
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka Madaxtooyadda ayaa u qornayd.
“Xeer Wasiir Lr. 001/042012
Magacaabid
Ku: Mudane, Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi) Hargeysa
Og: Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Hargeysa
Og: Agaasimaha Xisaabaadka Madaxtooyada Hargeysa
Markaan Arkay: Aqoonta iyo Kartida aad u leedahay nidaamka Protocol-ka ilaalinta habsami u socodka hawlaha xafiiska madaxtooyada, laga bilaabo taariikhda qoraalkan waxaan kuu magacaabay in aad noqoto madaxa xafiiska Protocol-ka MadaxtooyadaJSL.
Sidaa darteed waxaan kaa rajaynayaa in aad si hagar la’aan ah u gudan doonto waajibaadkaaga shaqo.
Allaa mahad leh.
Xirsi Cali X. Xasan
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL.
ALLAA MAHAD LEH
SDN, Hargeisa Somaliland