Madaxweynihii dhawaanta la doortay ee dalka Senegal oo xilka la wareegay
Dakar April 03,2012(SDN)-Madaxweynaha dhawaanta ku guulaystay doorashadii ka dhacday dalka Senegal ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariye jagada madaxweynenimada ee Wadanka Senegal.
Guusha doorashada madaxweynaha cusub ee Senegal Maki Saala ayaa waxay ka dambeysay kadib markii uu si weyn uga guulaystay madaxweynihii hore ee dalkaasi Cabdale Waadi oo laba xili doorasho oo hore ku hogaaminayay dalkaasi.
Madaxweyne Maki Saala ayaa la sheegay in uu taageero ballaadhan ka kasbaday shacbiga Senegal, kadib markii aqlabiyadda dadka dalkaasi ay ka soo horjeesteen in madaxweynahii hore Cabdale Waadi oo mar sadexaad isu soo taagay doorashadii dhawaan dalkaasi ka dhacday.
Madaxweynaha cusub ee dalka Senegal Maaki Saale oo hogaaminta wadankaasi maanta loo dhaairyey ayaa shacbiga dalkasi ka rajaynayaan inuu wax ku soo biirin doono dhaqaalah iyo nolosha dalka Senegal.
SDN-Dakar