Cudurka Jadeecada oo Somaliland lagu arkay
Hargeysa 02,2012(SDN)-Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Maxamud Maxamed “Xuseen Xoog” ayaa Maanta daboolka ka qaaday in qaar ka mid ah gobolada dalka ee laga fuliyay hawl galka Talaalka Hooyada iyo Dhalaanka lagu arkay Caruur uu asiibay Cudurka Jadeecada isla markaana cadeeyay in baahi loo qabo sidii dib loogu eegi lahaa loona qiimaynta lahaa maalmaha caafimaadka hooyada iyo dhalaanka .
Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay kulan lagu qabtay huteelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa kaas oo ay ka qayb galeen hawl wadeenada caafimaadka ee lixda gobol ee waaweyn,Mas’uuliyiin ka socday hay’adaha Unicef iyo Who iyo Madax kale.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Maxamud Maxamed “Xuseen Xoog” oo madashii kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in deegaamo ka tirsan gobolada Somaliland uu dib uga soo cusboonaaday Caruurta uu ku dhaco cudurka Jadeecada kaas oo ay ugu wacan tahay ayuu yidhi Wasiirku in hawl -wadeenada ololaha talaalka fuliyaa aanay sidii la rabay uga soo bixin isla markaana ay dareemeen inay muujiyeen mas’uuliyad daro maadaama aanay sidii la rabay u samayn dhaqdhaqaaq iyo kormeeradii laga rabay, waxa uu Wasiirka Caafimaadku ku dooday oo kale in Waalidiin badani ay fikir khaldan ka qaateen cidhib tirka Cudurada dilaaga ah taasina ay keentay inay Ubadkooda kala baaqsadaan Talaalka isla markaana ay horseed u noqotay in Kiisaska Jadeecada lagu arko deegaamo ka tirsan Somaliland .
Dr Xuseen Maxamud Maxamed “Xuseen Xoog” waxaa kale oo hadalkiisa ku sheegay in loo baahan yahay sidii qiimayn rasmi ah loogu samayn lahaa qaabka ay hawl wadeenada u fuliyaan qorshayaasha talaalka ee loo xilsaaro, si loo helo ayuu yidhi xog dhamystiran oo laga duulo.
waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Mas’uuliyiin ka socday Hay’adaha ay Wada shaqayntu ka dhaxayso Wasaarada Caafimaadka ee Kulankaas ka qayb galay oo Tilmaamay in xooga la saaro sidii Caruurta lagu arkay Cudurka Jadeecada deegaamada ay ku nool yihiin loogu xakamayn lahaa.
SDN-Hargeysa