Ururka Codka Haweenka Beelaha Lahayb-sooco ee VOSOMWO oo si adag u naqdiyay go’aan Madaxweynaha Somaliland u gudbiyay Baarlamaanka
Hargeysa 02, April 2012 (Qurbejoog.com)- Ururka wadaniga ah ee codka Haweenka beelaha Lahayb-sooco oo magaciisa loo soo gaabiyo VOSOMWO, ayaa si adag u naqdiyay go’aan sida uu sheegay uu Madaxweynaha Somaliland u gudbiyay goleyaasha Baarlamaanka.
Sida lagu sheegay qoraal uu ururku ka soosaaray xafiiskiisa Hargeysa, VOSOMWO waxa uu taageeray baaq diidmo ah oo madax-dhaqameedka beelaha Lahayb-sooco ee Somaliland ka soosaareen go’aanka Madaxweynuhu Baarlamaanka u gudbiyay oo ku saabsan tirada qoondaynta ama kootada ah ee beelaha Lahayb-sooco laga siiyay inay kaga qaybgalaan doorashooyina Deegaanka iyo Baarlamaanka, wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Horta waa in qof kastaaba ogaadaa in aanay wax dheeraad ah raadinaynin, balse, beelaha laga tirada badan yahay ama Lahayb-sooco ee dalka ku nooli, waxay xaq u leeyihiin sinaan xagga xuquuqda iyo fursadaha horumarka nolosha sida shaqada iyo xilalka dawaladda in ay helaan si la mid muwaadiniinta kale.
Xuquuqda ka qaybgalka siyaasadda dalka ee beelaha la hayb sooco waa waajib dastuuri ah oo ka mid ah xuquuqda muwaadinimo ee la wada wadaago si loo wada siman yahay. Sidoo kale, maadaama aynu dhamaanteen nahay ummad muslim ah, sida ay diinteenna wanaagsan ee islaamka ahi sida ay ina farayso ee xuquuuqda iyo sinaanta dadka muslimka ah, Sidoo kale distoorka qaranka iyo xeerarka kale ee dalka ee la jaan qaadaya Xeerarka caalamaiga ah iyo kuwa goboleed ee xuquuqda aadamaha iyo dimoqraadiyadda. mabaadi’da xuquuq loo wada siman yahay ee dimoqraadiga ahi, waxa weeye in baahiyaha qof kasta ay muhiimad isku mid ah leeyihiin.
Ururka Codka Haweenka Beelaha la hayb-sooco ee loo yaqaan VOSOMWO, Waxaanu si buuxda u taageeraynaa baaqa ay sida cad ugu diideen dhamaan madaxdhaqameedada beelaha Lahayb-sooco ee Somaliland, go’aanka uu madaxwaynuhu u gudbiyay golayaasha Sharci-dejinta ee ku saabsan tirada kuraasta ee loo qoondeeyay inay uga qaybgalaan golayaaasha Baarlamanka iyo Deegaanka ee lixdii gobol hore iyo Gabiley. Waxaanu u aragnaa inaan tiradaasi ahayn mid u qalanta ama ay xaq u leeyihiin dadka ka soo jeeda beelaha Lahayb-soocaa, go’aankaasi ama soo jeedintaasi ka timi gudigii ka soo talobixinta ee madaxwaynuhu u gudbiyay golayaasha sharci dejinta, waxa ay ku salaysan tahay quudhsiga iyo caddaalad daradii soo jireenka ahayd ee ay dadkani mudad dheer halganka ugu soo jireen sidii ay uga bixi lahaayeen.
Taasi waa sababta ay dhamaan madaxdhaqameedka iyagoo metelaaya beelaha kala duwan ee ka soo jeeda beelaha la hayb sooco ay dhamaan sida weyna ugu dhaliilleen kootada loo xidhay beelaha Lahayb-sooco ee Somaliland, waxaanan ku cadaynaynaa maqaalkan in ay jawaabta ama diidmada cad ee ah, in aanay tiradaas naloo cayimay aanay ahayn wax noo qalma oo aan qaadan karno ay tahay mid aan u wada dhanahay.
Anagoo taageero buuxda la garab taaganahay go’aankii ay dhamaan salaadinta iyo madax dhaqameedkabeelaha la hayaba soocaa ay ku dhaliilayen kuna canbaarayanye go,aankii uu madaxweynahu ugu guudbiyey golaha baarlaamka ee ku sabsana kootooyinkii loo qoondeyey beelaha la hayb sooco. Tiradaasi ma yeelayno mana yeeli doono waxaan aan u aragnaa in quudhsigii iyo caddaalad darradii markii horaba jirtay ee aan u halgamaynay sidaan uga bixi lahayn oo nalagu sii sharciyaynaayo.
Madaxwaynaha iyo xukuumadda Kulmiye ee hadda ka talisa dalkan Somaliland waxaan ka filaynay ama aan uga fadhinay in ay wax u kordhiso dadka laga tirada badan yahay ama la hayb sooco, iyagoo si wayn ugu balan qaaday, kuna cadeeyay barnaamijka siyaassadda ee xisbiga kulmiye inay gaadhsiin doonaan ama ka taageeri doonaan beelahaasi sidii ay u heli lahaayeen horumar dhinacyada adeegga bulshada, dhaqaalaha, daryeelka iyo xuquuqda aadamaha oo loo wada siman yahay, anagoo ku taamaynay in balan qaadka xukuumadda maanta dalka ka talisa iyo gudida talo-bixineed ee madaxwaynuhu magacaabay ay u keeni doonto ama gaadhssin doonto dadka la hayb sooco in ay helaan dariiq sharciga waafaqsan oo ay kaga qaybgalaan gogaanka siyaasadda heer deegaan iyo mid qaranba, isla markaa rajo ayaan ka qabnay in aan si lamid ah muwaadiniinta kale uga qayb galno kuna yeelanno wakiilo anaga na matalaaya dhamaan golayaasha lagu qorshaynayo siyaasadda khusaynaysa baahidooda iyo noloshooda.
Guntii iyo gabagabadii, Xauquuqda muwaadinimo ee ka qaybgalka siyaasadda ee beelaha lahayb soocaa inay ku yeeshaan wakiilo iyaga metelaaya dhamaan golayaasha heer qaran iyo deegaanba, waa mid aanu xaq u leenahay si la mid ah sida muwaadinninta kale ee ka soo jeedda beelaha tirada badan. Waxaa iyana mudan in masuuliyiinta xukuumadda iyo sharci dejinta ee dalku ay maanka ku hayaan in sugidda iyo hirgelinta sinaan dhinac walba ah oo kordhisa ama ilaalisa xuquuqda dadka la takooraa ay muhiimad ama waxtar wayn u leedahay horumarka dhaqan iyo dhaqaale ee dalka iyo bulshada guud ahaan,
Annaga oo aan marnaba aqbali doonin isla markaas aad uga xun go’aankaas quudhsiga iyo caddaalad darada ah ee ku saabsan tirada kuraasta ee kooto ahaan loogu qoondeeyay inay uga qaybgalaan dadka beelaha la hayb sooco. Sidaa daraadeed mudanayaasha golaha wakiilada waxaanu ugu baaqaynaa, inay dib u eegid ama kordhin ku sameeyaan ama in aanay marnaba ku sharciyeyn quudhsiga iyo caddaalad darrada ay kaga biyo diideen go’aankaasi dhamaan madax dhaqameedka iyo dadwaynaha ka soo jeeda beelaha la hayb sooco, waxaan sidoo kale kula talinaynaa golayaasha sharci dejinta in aany cawaaqib xun iyo dulmi ku sharciyayn qaranka Somaliland.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com