Laba Qoys oo reer India ah oo isku heysta Inan,maxey tahay sababtu
Delhi April 02,2012(SDN)-Laba qoys oo reer India ah ayaa maanta maxkamad isla hortegay ka dib kolkii ay isku qabsadeen ilmo yar oo ku dhashay mid ka mida cusbitaalada dalkaas ku yaal.
Labadan oo qoys oo labaduba isku mar caruur ugu dhalatay ayaa waxa mar u wada dhasheen caruurtan oo kala ahaa Gabar iyo Wiil.
Qoysaska ayaa ku muransan cida leh ilmaha yar ee Wiilka ah ee midkood uu dhalay.
Cusbitaalka ayaa ku guul dareystay in ay qoysaska kala saaraan,baaritaano ay sameeyeena waa lagu kala bixi waayay.
Qoysaskaas ayaa haatan waxa ay dalbanayaan in la sameeyo baaritaano kuwa isirka ah oo lagu ogaan karo hooyada dhashay Inankan lagu muransan yahay.
SDN-Delhi