Badhasaabka Awdal oo Sharci-darro ku tilmaamay xilka-qaadista Maayarka Borama
Borama, 02, April 2012 (SDN)- Badhasaabka Gobolka Awdal Axmed Xaddi Sidci ayaa qaadacay xil ka qaadis ay Golaha Deegaanka Degmada Borama ku sameeyeen Maayarkii magaaladaas.
Waxa uu sheegay in Guddoomiye ku xigeenka degmada Boorama iyo xildhibaanada ku wehelinayey mooshinka xil ka qaadista ee maayarka Degmada Boorama ay tahay mid sharci daro ah oo aan sharciga ku dhisnayn, isaga oo xusay in Maayarka ay aqoonsan yihiin uu yahay Maayar Cabdiraxmaan Shide Bille.
Dhinaca kale, xeer ilaaliyaha gobolka Awdal Axmed Cismaan Mirre oo isna si gaar ah uga hadlay eedaymaha musuqmaasuq ee lagu sababeeyay xil ka qaadistan ayaa sheegay ka hor xil ka qaadistan ay qoraal ah maamuus ka xayuubinta Maayarka ay u qoreen golaha deegaanka “Maadaama oo dambigaasi yahay dambi culus loona baahan yahay in masuulkaasi caddaalada loo horkeeno xasaanad ka qaadistiisa sidaas ayaanu ku dalbanay sharcigana way waafaqsan tahay”ayuu yidhi xeer ilaaliyaha gobolka Awdal oo ku dooday in sababta ay sidaasi u sameeyeen tahay kiiska maayarka lagu eedeeyay oo culus, isaga oo tilmaamay inay ogyihiin inuu lunsaday adduun lacageed oo dhan 380,100,000 SL.shilin.
SDN, Borama