Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay dagaalo maanta ka dhacay Koonfurta Laascaanood iyo degmada Buuhoodle, baaq iyo waanooyinna u jeediyay bulshada degaamadaas iyo kuwa colaad-hurinta ku hawlan
Hargeysa 01, April 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay dagaalo maanta ka dhacay degaamo ka tirsan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle, kuwaasoo dhexmaray ciidanka Qaranka ee fadhiisimada jiidaha hore iyo maleeshiyaad degaankaas ka soo jeeda oo taabacsan maamulka la magac-baxay Khaatumo.
Madaxweynaha oo goor dhawayd shirjaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada, waxa uu muujiyay sida uu uga xun yahay dagaaladaas oo khasaare dhaliyay.
Waxa uu sheegay in sababta uu shirka jaraa’id u qabtay tahay sidii uu warbaahinta fariin ugu marin lahaa Madax-dhaqameedka, odayaasha, aqoonyahanada, siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee bulshada deegaamada gobollada Bari ee dalka, gaar ahaan Sool iyo degmada Buuhoodle. “Waa la socotaan inay jiraan qaar fidmo-wadayaal ah oo halkaa colaad hor leh ka hurinaya. Walaalayaal, colaada iyo dagaalka wax ku xumaada mooyee, wax ku hagaagaa ma jiraan,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland. “Waxaan ka digayaa in ay dadku, waxgarad iyo waayeelba ka digtoonaadaan kuwaa balaayada hurinaya oo aynu wadajir uga shaqayno nabadgelyada iyo xasilooninada dalkeena,” ayuu raaciyay hadalkiisa.
Madaxweyne Siilaanyo oo dhawr jeer oo hore shaaciyay gogol-nabadeed oo uu u fidiyay kuwa wax tabanaya ee degaamadaas, waxa uu ku celiyay baaqa nabada, wuxuuna ku dooday inuu rejaynayo in hormoodka degaankaasi aqbali doonaan gogosha nabadeed ee uu markale u fidiyay. “Mar labaad iyo mar saddexaadba, waxaan gogol-nabaddeed ugu baaqayaa duqayda, waxgaradka, garaadada, aqoonyahanada, siyaasiyiinta, dhalinyarada iyo haweenka deegaamada gobolada Bari, gaar ahaan Sool iyo Buhoodle, waxaanan leeyahay; walaalayaal waan ku cel-celinayaa oo waan ku cel-celinayaa gogoshaa nabadeed, waxaanan ku rajo weynahay inaad iga ajiibi doontaan oo garawsan doontaan inay nabaddu ka khayr badan tahay colaada iyo dhiig daata,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Waxa uu Madaxweynuhu tilmaamay in xukuumaddiisu diyaar u tahay in wax kasta oo bulshada degaamadaasi tabanayaan lagaga wadahadlo gogosha nabadeed ee uu markale ku dhawaaqay, isla markaana ujeedadu tahay in wadahadal lagu dhameeyo arrimahaas.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Somaliland waxa uu hadalo waano ah u jeediyay shaqsiyaadka ku hawlan hurinta colaada degaamadaas, wuxuuna yidhi; “Kuwa dabka hurinaya waxaan ugu baaqayaa inay ka waantoobaan colaada ay ka taliyaan.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com