|

Tirada Maxaabiista iyo Gawaadhida ay Somaliland ku qabatay dagaalladii saaka oo masuuliyiin ku jiraan

Laascaanood, 01, April 2012 (SDN)- Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa saaka maxaabiis tiro badan iyo Masuuliyiin taabacsan dhawaaqii Taleex ku qabtay dagaal ay ku soo qaadeen Kooxahaasi.

Afhayeen ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Cismaan Cabdilaahi ayaa warbaahinta u xaqiijiyay tirada maxaabiista iyo Masuuliyiin ka taabacsan dhawaaqii Taleex oo ay saaka ku qabteen dagaal ay ku soo qaadeen Kooxahaasi fadhiisimo ka kala tirsan Laascaanood iyo Buuhoodle oo ay Ciidanka Qaranku ku sugnaayeen.

“Cadawga waxa laga qabtay 9 gaadhi oo kala ah afar tikniko ah iyo 5 xamuul ah, waxaananu gaadhsiinay khasaare laxaadle, waxaanay ciidamadu gaadhsiiyeen goobihii ay ka soo dagaal galeen, isla markaana waxa laga qabtay 45 maxbuus, waxaana ka mid ah saddex sarkaal iyo nin sheegtay inuu yahay Wasiir Khaatumo ah,” ayuu yidhi Afhayeenka Ciidamada Qaranka Somaliland.

Dagaalkan ayay wararku sheegayaan inuu saaka ka bilaabmay laba aag oo kala ah Laascaanood iyo Buuhoodle, kaasoo sida la sheegay goor-dhaweyd joogsaday labada dhinacba, balse lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah eek a dhashay dagaalkaas oo ka xoog badan dagaalladii hore uga dhici jiray goobahaas.

SDN, Laascaanood

Said8090@gmail.com

Comments are closed