|

Reer Galbeedka iyo xulafadooda oo Mucaaridka Siiriya u aqoonsaday ta metesha shacabka dalkaasi

Istanbul April 01,2012(SDN)-In ka badan 50 dal oo isugu jiray reer galbeed iyo xulufadooda caalmaka ayaa maanta shir saacado qaatay ka yeeshay sidii culeyska loogu siyaadin lahaa xukuumada dagaalka kula jirta kooxaha kacdoonka ka wada dalka Siiriya ee Bashar Al Asad.

Shir-weynahaas oo iminka lagu soo gebogebeeyay magaalada Istenbul ee dalka Turkiga ayaa waxa qaadacay labada dal ee Ruushka iyo Shiinaha.

Kulankii maanta ayaa waxa laga soo saaray qodob xasaasi ah oo dalkaa gelin kara marxalada ka qalafsan ta iminka uu ku jiro mudada sanadka ka badan.

Xulafada la baxda asxaabta Siiriya ee Mareykanku hogaaminayo ayaa shaaca ka qaaday in haatan wixii ka danbeeya ay mucaaridka dalkaa golle uu leeyahay u aqoonsadeen ta sharciyan metesha danaha shacabka dalka Siiriya.

Kooxda maanta shirtay ayaa sidoo kale ku hanjebtay in ay faro gelin ciidan ku sameyn doonaan Siiriya hadii xaalku isbedeli waayo.

Ciidamada Mucaaridka ayaa sidoo la isla qaatay in la xoojiyo oo mushaharona loo qoro.

Xukuumada Asad iyo saaxiibadeeda ayaan ilaa iyo haatan ka hadal goaankan maanta la soo saaray.

SDN-Istanbul

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed