|

Aqoon isweydaarsi maanta Hargeysa loogu soo xidhay Kal-kaaloiyeyaasha caafimaad ee Somaliland

Hargeysa April 01,2012(SDN)-Gudoomiyaha Ururka kal-kaaliyayaasha Caafimaadka iyo Umulisooyinka Somaliland Marwo Foosiya maxamed Ismaaciil ayaa maanta u soo xidhay aqoon korodhsi ku saabsan Nidaamka Habraaca hooyada iyo dhallaanka, Kal-kaaliyayaal iyo Umulisooyin ka kala socday Goboladda dalka. Aqoon korodhsigaasi oo Lix maalmood uga socday Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa,

Munaasibada Xidhitaanka aqoon korodhsigaasi waxa ugu horayn ka hadashay Gudoomiyaha kal-kaaliyayaasha iyo Umulisooyinka Somaliland Marwo Foosiya maxamed Ismaaciil, waxaanay ka warantay ujeedooyinka tababaradan aqoon kobcinta ah loogu qabtay, iyada oo xustay in uu ka qayb yahay tababarkani ayey tidhi Marwo Foosiya tababaradii hore ee aynu soo qaadanay sida kii lagu qabtay ayey tidhi Nayroobi.

Marwa Foosiya waxa kale oo ay tilmaamtay In tababarkan ama aqoon-kordhsigan aynu lixda maalmood soo wadnay aynu ku naaqishnay iskuna duba ridnay Qoraaladii dhukumantiyada ahaa ee tababaradii hore inaga maantana ujeedadeenu ahayd inaynu qodax-da ka sii gurno macluumaadkaasi maxsuul ahaan aynu dhukumantiga hore ka soo saaray.

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Madaxa waaxda caafimaadka ee Wasaaradda caafimaadka Dr, C/.risaaq Yuusuf,waxaanuu sharax ka bixiyey macluumaadka iyo dhukumantiyada kala duwan ee aqoon korodhsiyadan kala duwan iyo kan haatan dhamaadayba lagu qaatay ee lagu naqaishayey faa’iidooyinka ay lee yihiin iyada oo uu xusay in ujeedadu ay tahay In la helo macluumaad dhamays tiran oo noqon kara gaadh-layn dhammaan dalkoo dhan lagaga wada dhaqmi karo. Waxaanuu ka qayb galayaasha uga mahad celiyey mudadii ay aqoon korodhsigan ku jireen sida ay isaga xilsaareen.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed