|

Wasiirka Boostaha Somaliland oo xilkii la wareegay

Hargeysa April 01,2012(SDN)-Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Qaranka ee JSL Dr Sacad cali Shire ayaa maanta si rasmi ah xikii wasaarada Boostada iyo Isgaadhsiinta oo uu si ku meel gaadh ah u sii hayey ugu wareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradaasi Cali Cilmi Geelle.

Dr Sacad oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradan tahay mid wadanka isku xidhaysa isla markaana dalka ku xidhaysa caalamka intiisa kale, waxana uu wasiirka cusub ku soo dhoweeyey wasaaradaasi.

Wasiirka cusub Cali Cilmi Geelle oo isna halkaas ka hadlaya ayaa sheegay in xilkan loo magacaabay uu u gudan doono sida siyaasadda xukuumadu ku qotonto.

Agaasimaha guud ee wasaaradaasi xasan Cumar Hoorri oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey shaqada wasaarada iyo waajibaadka ay ugu xilsaaran tahay Qaranka, waxana uu u mahadceliyey Dr Sacad Cali Shire oo wasaaradda ku meelgaadh ahaan u sii hayey, halka sidoo kalena uu wasiirka cusub ku soo dhoweeyey wasaaradda iyo shaqadeeda.

Munaasabadaasi waxaa kaloo ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawladda iyo shirkadaha isgaadhsiinta.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed