Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Dagaallo saaka ka dhacay deegaannada Sool iyo Buuhoodle
Hargeysa, 01, April 2012 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa shaaca ka qaaday inay Ciidamada Qaranka ee ku sugan jiidda hore ee deegaannada Gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle ay dhirbaaxo kulul ku dhufteen Malleeshiyada taabacsan dhawaaqii Taleex oo Weerar ku soo qaaday laba fadhiisin oo ay Ciidammadu ku sugnaayeen. Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami waxa uu tilmaamay in Ciidammada Qaranku difaaceen weerarrada Malleeshiyadaas “Weerar baa lagu soo qaaday Ciidammadeennii joogay halkaa (Jiidda Sool), weerarkaa waa laga diyaar-garoobay, Ciidammadu way caabbiyeen, waa la iskala fogaaday halkii la isku soo weeraray, meelo ka durugsan baa la isla marayaa, hordhac ma samaynayno oo si aan waxba uga soo noqon war sugan baannu ka rejaynaynaa inuu ka soo baxo saacadaha soo socda.” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo saaka shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga. Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Waxaan idiin sheegayaa haddaa Saxaafadda tihiin maaddaama oo dadka dhagtu wada taagan tahay, waxaan idiin sheegayaa inaan kedis loogu iman Ciidammada Qaranka, iyaga oo feejigan oo diyaar ah ayaa loo yimi, difaac wanaagsan buu sameeyey, meeshii lagu dagaallamayna meel ka durugsan baa la isla marayaa, wixii dhaawac iyo dhimasho ah ee jira iyo wixii gaadiid la kala qabsaday markuu warka oo sugani soo baxo ayaanu sheegaynaa, goobaha dagaalku ka dhacay waa deegaannada Buuhoodle iyo Laascaanood, cidda dagaalka soo qaaday maaha cid cusub ee waa ciddii awalba dhufayska la isugu jiray, gaar ahaan Kooxda loogu yeedho Khaatumo oo fulinaysa go’aammadii ka soo baxay shirkii Taleex.” ayuu yidhi hadalkiisa ku sii ladhay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.
SDN,