|

Xaaladihii u danbeeyay ee degmeda Dayniile

Muqdisho April 01,2012(SDN)-Degmeda Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa waxa gacan ku heynteeda ku herdamayay maalmihii u danbeeyay xoogaga Shabaabka iyo kuwa AMISOM iyo ciidamada Dawlada.

Ma cada cida gacanta ku heysa guud ahaan magaalada,labada dhan ayaa sheegtay in ay gacanta ku hayaan degmeda.

Shacabka ku nool Dayniile ayaa qaarkood bilaabeen in ay ka haajiraan aqaladooda ka dib kolii colaadu u saamixi weydey in ay halka ku sii sugnaadaan.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in labadii dhinac ee halkaa ku dagaalamay in ay weli kuwada suganĀ  yihiin degmeda.

Shabaabka ayaa sheegtay in ay iska caabiyeen dagaalka lagu soo qaaday degaankan ay ka soo abaabuli jireen weerarada ay caasimada ka fuliyaan.

Halka saraakiisha ciimadu ka sheegteen in ciidamadooda ay gebi gacanta ku hayaan Dayniile.

Wadooyinka qaar oo xidhmay ayaa iminka dib loo furay,taas oo shacabka u sahashay in ay isaga baxaan halkaasi.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in xaalada Dayniile gashay mid aan la saadaalin kareyn halka ay ku danbeyn doonto.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed