|

Beesha mohamud hiraab (duduble) Oo Ka Hadashay La Wareegidda Galgaduud Magaaloyinka Ceelbuur iyo Ceel Garas

Nairobi Mar 31,2012(SDN)-Shir ay isku yimaadeyn siyaasiyenta odayaasha ganacsada  dhalinyarada iyo haweynka Beesha Maxamuud hiraab ayaa  lagu qabtay Magaalada Nairobi,shir oo loga hadlayay isbadalka ka dhacay  Magaaloyinka Ceelbuur iyo Ceel la helay ceelgaras .

Kulankaan oo ahaa mid loga arinsanayay sida lagu  tageri lahaa culeska laga dul qaday shacabka ku  dhaqan Magaaloyinka Ceelbuur iyo Ceel la helay ay gobalka galgaduud ayaa waxaa kasoo Qayb galay odayaal dhaqaameed aqoonyahano dhalinyaro siyaasiyin iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Beesha  mohamud hirab ( Duduble) .

Ugu horayn ayaa waxaa kulankaasi ka hadlay Qudbad dheerna  ka jediyay cabdullahi cabdi kulankaasi ayaa waxaa uu sheegay in dowlada KMG Ah ee soomaaliya looga baahanyahay in ay sii wado Dadaalada ay ku donayso inay Gobolka Galgaduud. kaga saarto Al Shabaab

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay Ganacsade Mahad mohamed Xashi Oo shegay in aan wax dhibaato ah loo geysan dadka shacabka  aan wax galabsan lana ilaaliyo dadka iyo doonyada ku dhaqan gobaha lagala wareegay wuxuuna ka codsaday ciidamada is bahaysiga inay ula dhaqmin shacabka sidii ururkii hore ayna iska ilaaliyan ku xadgudubka shacabka 

Waxaa la isku raacay  qodobadaan hoos ku xusan.

1.in beesha mohamud hiraab ay tageerto  dowladaTFG si taasi la mid ahna ay dowladu gaarsiiso         kaalmo bini aadam nimo  goobihii  laga saaray ALShabaab

2. in ciidamada is bahaysigu  ay u dhimriyaan shacabka  in muddo ah la dhibaateysnaa abaaraha  iyo Al Shabaab

3.Dowlada kmg ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhisto maamul deegaanka dooxa

4.in hay,adaha gargaarka  si u dhaqsiyo badan ay u gargaaraan  shacabka  degan goobaha laga saaray Al Shabaab

Kulankaasi oo ahaa mid dadki kasoo qayb galay ay ahaayeen kuwo isku fikrad ahaa ayaa waxaa ay isku raaceen in la sii wado dagaalada ka dhanka ah Al Shabaab .

 SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed