|

Labada Suudaan oo Adis Ababa loogu gar naqayo

Adis Ababa Mar 30,2012(SDN)-Dedaal la doonayo in lagu  soo afjarayo  colaada u dhaxaaysa dalalka Sodaan iyo Koonfurta Sodaan  ayaa ka socda magaalada Addis Ababa  ee caasimada dalka Ethiopia .

Labada dal ayaa ku dagaalamay mandaqada saliida ku hodanka  ah ee xuduuda ay wadagaan Ethiopia iyo Sudan , iyadoo labada dal u midba kan kale ku eedaynayo inuu bilaabay dagaalka .

 Colaadan ka soo cusboonaatay  labada dal ayaa waxay keentay  war war laga qabo in dagaal rasmi  ahi  mar kale uu ka dhax qarxo.

Labadan dal ee dhawaanta kala dhaqaajiyay ayaa muranka u weyn ee u dhexeeya kolka taariikhdooda laga yimaado waxa ay tahay Shidaalka laga soo saaro Koonfurta ee laga dhoofin jiray Woqooyiga.

Koonfur Sudan ayaa joojisay dhawaan gebi ahaanba in Shidaalka ay ka dhoofiso Dekedaha Suudaan,taas oo ka cadheysiisay Khaartuum.

Adis Ababa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed