Dalalka Dhaqaalahoodu soo kobcayo ee ku bahoobay ururka BRICS oo ka tashtay Baanka Aduunka
Delhi Mar 30,2012(SDN)-Shanta dal ee dhaqaalahoodu soo korayo ayaa ku taliyay Baan horumarineed oo la tartama Baanka aduunka la sameeyo .
Shantan dal oo kala ah dalalka Ruushka, Barazil, Indiya, Shiinaha iyo Konfurta Afrika , ayaa waxa ku taliyeen inay samaystaan xidhiidh ganacsi iyo mid lacageed oo dhaw, si ay u yareeyaan ku tiirsanaanta Yurub iyo Ameerika .
Shantan dal waxa uu dhaqaalahoodu u dhigmaa 25% dhaqaalaha aduunka , Ra’isal wasaaraha India Man Muhaan Sing , oo ka hadlayay xaaladaha bariga dhexe iyo Suuriya ayaa ka digay in la qaado tallabo wax u dhimi karta suuqyada shidaalka Aduunka iyo ganacsiga , waxa kale oo u ra’siial wasaaraha India sheegay in ay ku heshiiyeen la dagaalanka argagixisada.
SDN-Delhi