|

Rasaas laga maqlay aqalka Madaxtooyada Jabuuti,iyo hadal heynta cida sababta u ah

Jabuuti Mar 30,2012(SDN)-Sida llaga soo xigtay qaar ka mida shaqaalaha Madaxtooyada Jabuuti waxa habeen hore laga war helay uun dhawaqa rasaas ay kor u ridayeen ciidamada ilaalada Madaxtooyada Jabuuti.

Shaqaaluhu fursada uma helin in ay indhaha ka qaadaan cida iyo sababta rasaasta loo riday.

Waxaase hadal heynta u badani aheyd caasimada Jamhuuriyada Jabuti in Inan uu Adeer u yahay madaxweynaha Jabuuti Ismail Cumar Geelle uu madaxtooyada la galay Baastoolad.

Ayna Sababtaa tahay ta keentay in ilaalada Madaxweynuhu digniin ahaan kor ugu ridaan rasaasta.

Ciidamad ayaa mudo gaaban ku qabtaya inankan oo la yidhaahdo Mahdi Cabdi Cumar Geelle.

Lama gadhanayo halkaa uu inanku ku danbeeyay dhacdada dabadeed waxaase la sheegayaa in xabsiga loo dhaadhiciyay.

Waxaan sidas oo kle cadeyn sababta Mahdi Cabdi Cumar Geelle ku kalifay in uu Baastoolad la galo Madaxtooyada Jabuuti.

Dhawr todobaad ka hor uun bay aheyd kolkii si kedis ah xabsiga logu taxaabay Ganacsade Cali Cilmi Cali Ouss.

Ganacsade Cali Ouss ayaa qudhiisa ka mid ah ehelada Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle ee dhawaanta ay is khilaafeen xubno ka mid ah xukuumada Jabuuti.

SDN-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed