Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Somaliland oo la wareegay qalab warbaahineed oo TVga qaranka loogu deeqay
Hargeysa Mar 29,2012(SDN)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Faysal Cali Sheekh ayaa Maanta kala Wareegay Kambani Ingiriis ah oo la yidhaa Adham ISMIIS Qalab kala duwan oo Telefiishanka qaranka ay ugu talo galeen.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Faysal Cali Sheekh ayaa sheegay in Qalabkani uu ka kooban yahay Hal Migsar oo Weyn oo suurto galin kara in loo adeegsado wixii qoraal u baahan,Sadex Kaamaradood oo Casri ah iyo rikoodh weyn oo nooca DV Kamka ah kuwaas oo qayb ka qaadan doona ayuu yidhi buuxinta baahi jirtay.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafintu waxa uu tilmaamay in keenista qalabkani ay ka danbaysay dalab uu u gudbiyay Konbanigan Adham Ismiis waxaanu intaas ku daray in Wasaarada iyo Companigani ay ka wada shaqaynayeen oo kale diyaarinta barnaamij dhamaystiran oo Somaliland leedahay kaas oo hor yaala golaha wasiirada isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in sida ugu dhakhsaha badan loo ansixiyo.
Faysal Cali Sheekh Maxamed Waxa uu u mahadceliyay Kanbanigan oo kaalin muuqata ka daboolay Telefishanka qaranka.
SDN-Hargeysa