Taliyaha ciidanka Badda iyo ilaalada Xeebaha Somaliland oo ka hadlay niman Budhcad-badeed ah oo ay ciidanku maanta gacanka ku dhigeen
Hargeysa 29, March 2012 (Qurbejoog.com)- Ciidanka Badda iyo ilaalada Xeebaha Somaliland, ayaa la sheegay inay maanta gacanta ku dhigeen koox Budhcad-badeeda Soomaalida ka tirsan.
Sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha ciidanka Badda iyo ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw-Cusmaan Cabdi, kooxdan Budhcad-badeednimada lagu tuhunsan yahay oo 4 nin ka kooban iyo Laash nooca dheereeya ah oo ay wateenba waxay galabnimadii Khamiista maanta ciidanku ka qabteen meel u dhow xeebta Buullo-xareed oo qiyaastii 10 Km dhinaca galbeed kaga beegan degmada Lughaya ee gobolka Awdal.
Admiral Axmed Aw Cusmaan, waxa uu sheegay in nimankani ka tirsan yihiin Budhcad-badeeda xeebaha maamul-gobolleedka Puntland, una dhasheen Boosaaso.
Waxa uu sheegay inay u socdeen sidii ay Badda Somaliland uga samayn lahaayeen afduubka maraakiibta maraysa, wuxuuna amaanay ciidanka Badda iyo ilaalada Xeebaha ee gacanta ku dhigay kooxdaas.
Taliyuhu waxa uu sheegay in afartaas nin la horgayn doono sharciga, si loogu qaado dambi Budhcad-badeednimo oo ay doonayeen inay ka fuliyaan Badda Somaliland.
Dhawr jeer oo hore ayay ciidanka Ilaalada Xeebuhu gacanta ku dhigeen kooxo Budhcad-badeeda xilliyo kala duwan, iyadoo ay haatan Budhcad-badeed tiradoodu 100 ku dhawdahay ku jiraan xabsiyada Somaliland, kuwaasoo lagu riday xukun lala xidhiidhiyay fal-dambiyeedyo Budhcad-badeednimo oo ka dhan ah maraakiibta maraysa Badda Somaliland.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com