Magacyada guddi 23 xubnood oo guddoomiyaha Wadani u magacaabay qabanqaabada Shirweynaha ururkooda
Hargeysa 29, March 2012 (Qurbejoog.com)- Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Wadani oo lagu tirinayo xubnaha safka hore kaga jira ururada cusub ee siyaasadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa magacaabay guddida qabanqaabada shirweynaha ururkaas.
Guddoomiyaha ururka Wadani, ahna guddoomiyaha golaha Wakiiladu, waxa uu warsaxaafadeed uu soosaaray ku sheegay in shirweynaha koowaad ee ururkooda oo markii hore xisbiga UCID ka dilaacay la qaban doono 8-9 bisha soo socota ee April, wuxuuna magacaabay guddi 23 ka kooban, si ay u soo qabanqaabiyaan shirweynahaas. Warsaxaafadeedka guddoomiyuhu ku shaaciyay shirweynaha ururka Wadani oo ka mid ah shuruudaha laga rabo si ay doorashada soo socota ugu tartamaan, waxa uu u dhignaa sidan; “Iyada oo la fulinayo go’aanka asaasayaasha ururka WADDANI ee sumadiisu ahayd GDU/AAS/96/2012 kuna taariikhaysnaa 07/03/2012.
Markaan tixgeliyey In la iclaamiyey in shirweynaha 1aad ee WADDANI lagu qabto Hargeysa 8-9 April 2012.
Markaan tixgeliyey Baahida degdega ah ee la qabo sameynta GuddidaQabanqaabada.
Markaan arkay Qod. 29aad Faq 12 ee xeerka ururka/xisbiga.
Marka la tashaday Madaxda iyo mas,uuliyiinta ururka.
Waxaan magacaabay xubnaha Guddida qaban qaabada Shirweynaha 1aad oo ka kooban 23 xubnood
1. Xasan Xuseen Maxamed Codyare
2. Maxamed Cabdillahi Uurcadde
3. Axmed Xuseen fagfagaash
4. Cabdillahi Siciid Ismaail
5. Muuse X Maxamed Guuleed
6. Mp Siciid Maxamed Cilmi
7. Axmed Cali Ubaxle
8. Cali Abdillahi Dagaal
9. Abdirisak Farax Xasan Qowdhan
10. Ahmed Muumin Seed
11. Fawsi Xaji Abdillahi
12. Sucaad Cabdillahi Xasan
13. Prof. Xuseen X Yuusuf Nur
14. Maxamed Xasan Dirir
15. Samsam Ismaaciil Xuseen
16. Faadumo Shaacib Odowaa
17. Mubaarak Cabdi Xasan
18. Najax Cabdilaahi Xasan
19. Dr Idiris Xaaji Nuur
20. Salax Muxumed Idiris (Idiris)
21. Jamac Maxamed Cabdi Hilaac
22. Axmed Maxamed Qalinle
23.Abdillahi Axmed Daamuur.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com