Ogaysiis ku socda bulshada degen Oslo iyo agagaarkeeda oo ku saabsan daahfurka Buugga cusub ee goraynta Silsilada Deelley
Waxa la ogaysiinayaa dhamaan bulshada ku hadasha Af-Soomaaliga ee ku dhaqan magaalada Oslo iyo Agagaarkeeda, in la qaban doono maalinta Axada ee 01.04.2012 kulan lagu daahfurayo buug cusub oo loogu magac-daray “Gorfaynta Silsiladii Deelley”. Buuggan oo uu qoray Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”, oo ah qoraa buuggaagtiisa bulshadu aad u xiisayso. Waxaana xiiso gaara leh in kulankan uu kasoo qaybgeli doono qoraaga buugga Ibraahin-Hawd oo ka iman doona dalka Sweden oo uu degan yahay.
Goobta kulanku waa Boosta Gronland dusheeda, Cinwaan: Olafiagangen 5. 0188 OSLO oo ah badhtanaha magaalada Oslo. Saacada: 16.00 (Afarta galabnimo) illaa 20.00 (Siddeeda fiidnimo).
Waxa iyana qayb ka ahaan doona kulanka oo ka hadli doona Aqoonyahano xagga Afka iyo suugaanta ku xeeldheer.
Haddaba, waxa mar labaad la ogaysiinayaa bulshada ku hadasha Af-Soomaaliga in ay ka soo qaybgalaan kulanka oo ay ka faa’iidaysan doonaan aqoon isugu jirta sugaan ku arooraysa Silsiladan Deelleyda iyo lafo-gur ku aadan taariikhda iyo dhismaha Af-Soomaaliga. Waxa kale oo isna kasoo qaybgalaya Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” oo isagu ah shakhsigii bilaabay gabaygii ugu horeeyey ee lagu furay Silsilada Deelley.
Wixii faahfaahin intaa dheer kala soo xidhiidh: Taleefanada. 45803979 ama 40047850.
Kasoo qaybgal wacan.