|

Kulan looga Hadlayo sidii dadka laga tirada badan yahay uga qeybgeli lahaayeen Siyaasada oo Hargeysa lagu qabtay

Hargeysa Mar28,2012(SDN)-Kulan lagaga hadlayay sidii ay dadka laga tirada badan yahay ay uga qayb qaadan lahaayeen saaxada siyaasada wadanka ayaa Maanta ka furmay Huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa.

Waxaa kulankan iska kaashaday Akaadamiga nabada iyo ka dadka laga tiorada badan yahay waxaana ka qayb galay  xubno ka socda Xisbiyada qaranka,qaar ka mid ah madaxda dhaqanka ee dadka laga tirada badan yahay,Mas’uuliyiin ka tirsan Akaadamiga Nabada iyo Horumarka Somaliland iyo dadweyne kale.

Gudoomiyaha waxbarashada iyo horumarinta dadka laga tirada badan yahay Xuseen Ibraahin Buuni ayaa uga mahadceliyay akaadamiga nabada iyo horumarka Somaliland oo sheegay inay ka gacan siiyaan qaban qaabada kulankan waxa uu gudoomiyahani ugu baaqay ka soo qayb galayaasha aqoon isweydaarsigani sidii ay u soo bandhigi lahaayeen fikir wax ka tara sidii ay qaybtooda uga qaadan lahaayeen hogaaminta iyo ka dhex muuqashada masraxa siyaasada dalka .

Maxamed Faarax Xirsi oo ka mid ah Cilmi baadhayaasha Akaadamiga nabada iyo horumarka Somaliland ayaa sheegay in akaadamiga nabada iyo horumarku ay saldhig u tahay inay bulshada ku baraarujiyaan talo kasta oo maslaxadooda saamayn ku leh waxaanu intaas ku daray in dadka Somaliland degani ay xuquuq siman ku dhex leeyihiin distoorka iyo shuruucda inoo degsan .

Waxaa kale oo halkaasi hadal ka soo jeediyay Boqor Axmed Iimaan Warsame iyo ka qayb galayaal kale.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed