UNHCR oo ku baaqday in loo turo shacabka lagu dul dagaalamayo
Nairobi Mar 28,2012(SDN)-Hay’ada QM u qaabilsan Qoxootiga ee UNHCR ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Madaafiicda lagu garaacayo Madaxtooyada ay waxyeelo u geystaan Shacabka aagaa ku nool.
UNHCR waxa ay sheegtay in xeryaha Qoxootiga ee u dhawdhaw Madaxtooyada Villa Soomaaliya ay dhawaan ku dheceen dhawr Madfac oo dhimasho iyo dhawaacba Sababay.
Bartilmaansiga Madaafiicda aya ah xarunta Madaxtooyada balase waxa ay qaar ka Hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay xerada Qoxootiga ee Beerta Daraawiishta.
Halkaa oo ay ku dhinteen sadex ruux oo Qoys kawada tirsan,iyada oo ilaa sideed kalena ay ku dhawaacmeen.
UNHCR waxa ay ka digtay Hoobiyeyaasha aan loo meel deyin ee lagu tuurayo Madaxtooyada,waxaaney ku baaqday in la xushmeeyo shacabka tabaaleysan ee ku le’anaya weerarada.
SDN-Nairobi