Senegal: Madaxweyne cusub oo la doortay iyo Cabdalla Wade oo 12 sano oo uu xukunka hayay ka dib xilli uu da’ yahay tartan lagu reebay
Dakar 27, March 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweynaha dalka Senegal Mr. Abdoulaye Wade, ayaa lagu reebay wareegii dambe ee doorashada madaxtinimada oo uu ku guulaystay Mr. Macky Sall.
Wareegii koowaad ee doorashada oo la qabtay February, waxa uu Madaxweyne Wade helay 34.8, halka uu Madaxweynaha hadda la doortay oo kaalinta labaad galay uu xilligaa helay 26.6 codadkii la dhiibtay.
Hase yeeshee, siday ku warantay wakaalada wararka Senegal, Madaxweynuhu waxa uu hambalyeeyay hoggaamiyaha la doortay, ka dib markii wareegii u dambeeyay ee Axaddii ay muujiyeen natiijada guusha Mr. Sall oo mar ahaa Raysal-wasaaraha Abdoulaye Wade.
Madaxweynaha oo hadda 85 jir ahi, waxa uu xilka hayay 12 sannadood, wuxuuna bedelay Dastuurka dalkaas, si uu markii saddexaad oo xidhiidh ah u hoggaamiyo dalka Afrikada Galbeed ku yaala ee Senegal. “Madaxweynuhu waxa uu telefoon u diray ninka la tartamay, Macky Sall xilli ay saacadu ahayd 21:30 GMT, si uu ugu hambalyeeyo markii ay natiijadu muujisay guusha wareega dhamaadka tartanka,” ayuu yidhi warka ay wakaaladu faafisay.
Bedelaada Distoorka ee Wade u ogolaanayay inuu teeram saddexaad xilka qaban karo, waxa horaantii sannadkan ka dhashay mudaharaadyo rabshado watay oo 6 qof ku dhinteen.
Mr. Sal loo hadda 50 jir ahi, waxa uu mar Raysal-wasaare ka noqday intii uu jiray maamulka Madaxweynaha da’da ah ee Mr. Wade, wuxuuna soo qabtay xilal wasiirnimo oo kala duwan, sida uu sheegayo weriye Thomas Fessy oo BBC-da uga soo warama Dakar.
Taageerayaasha Madaxweynaha cusub, ayaa dibad-baxyo dabaal-deg ah ka dhigay jidadka caasimada dalkaas ee Dakar, si ay u muujiyaan guusha Mr. Macky ee Madaxtinimada.
Mr. Sall waxa uu hore u balanqaaday in haddii la doorto uu soo gaabin doono xilliga Madaxweynaha oo hadda 6- sannadood ah, isla markaana uu shan sannadood ku soo celin doono. Sidoo kale, waxa uu balanqaaday inuu xoojin doono in xilliga Madaxweynenimada la qaban karaa noqoto laba jeer, isla markaana uu keeni doono talaabooyin lagu yareeyo qiimaha ascaarta quutal-daruuriga ah.
Hoggaamiyahan cusub ee Senegal waxa uu waajahayaa xaalado adag oo ku saabsan shaqo la’aanta sii kordhaysa ee wadankaas.
Qurbejoog.com, Dakar
editor@somalidiasporanews.com