|

Wasiirka Dibu-dejinta oo Warbixin siiyay Golaha Guurtida

Hargeysa, 27, Mar 2012 (SDN)- Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa warbixin ku saabsan hawlaha shaqo ee Wasaaradda Dibu-dejinta ka dhageystay Wasiirka Wasaaraddaas.

Fadhigii maanta oo uu shirguuddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Sh. Axmed Nuux Furre ayuu Goluhu warbixin kaga dhegaystay Wasiirka Wasaaradda Dibu-dejinta Cabdirisaaq Cali Cismaan.

Wasiirku wuxuu Golaha uga warramay hawsha ay Wasaaraddiisu u xil-saaran tahay ee ay qaranka u hayso, waxaanu sheegay inay waqtigan Wasaaraddu gacanta ku hayso shan mashruuc oo kala duwan.

Waxa uu sheegay Wasiirku in Wasaaraddani ay ka kooban tahay afar waaxood oo kala ah Waaxda  Maamulka, Waaxda Qaxoontiyada,  Waaxda Tahriibayaasha iyo Waaxda Dibu-dejinta.

Wasiirku waxa uu sheegay in Mashaariicda hadda ay gacanta ku hayaan ay kala yihiin.

1-      Xoolaynta Reer Guuraaga

2-      Mashruucaynta Biyaynta

3-      Tabobarka Xirfadleyaasha

4-      Horumarinta Beeraha

5-      Dibu-dejinta Barakayaasha

Wasiirku waxa uu tilmaamay in Wasaaraddu ay fullisay qorsheyaal dib loogu celinayo dadka qaxoontiga ah ee ku sugan Somaliland, waxaanu xusay in dala Itoobiya dib loogu celiyay qaxoonti  tiradoodu dhan tahay 768 ruux oo dalbaday inay dalkooda ku noqdaan. Sidoo kalena waxa uu sheegay in dad reer Somaliland ahi ay ka soo noqdeen wadamada Liibiya iyo Yeman xilliyadii ay rabshaduhu ka socdeen.

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed