|

Afgaaistaan oo lagu dilay labo ka mida Askarta Britain

Helmand Mar 26,2012(SDN)-Laba  askari  oo British  ah ayaa lagu dilay wadanka  Afgaanisataan, kadib markii nin sitay  labiska  ay  qaataan ciidamada  Afgaansitaan  uu rasaas ku furay,  sidaasina  waxa a shaaca ka qaada  xoghayaha difaaca  ee Britain, Philip Hammond.

Toogashadaasi ayaa ka dhacayday  xarunta ay  ciidamada British-ka ku leeyihiin   deegaanka  Lashkar Gah ee gobolka  Helmand  oo ku yaala dhinaca  koonfureed  ee wadankaasi  Afgaansitaan.

Saraakiil ka tirsan  NATO ayaa sheegay  in Ninkii weerarka soo qaaday  ay  toogasho ku dileen askar  goobta joogtay,  qoyska labada askari  ee geeriyooday  ayaa  lagu wargaliyey dhimashada  askartaasi.

Ciidamo gaadhaya 407  askari  oo  British ah  ayaa lagu dilay  waddankaasi Afgaansitaan  tan iyo sannadkii 2001dii.

SDN-Helmand

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed