Abdilahi Yusuf Ahmed iyo Adduun-aragga Siyaasiyiinta Soomaalida ee Maanta
Qoraalkani iyo kuwa ka dambeeyaa waxay koobi doonan arrimahan soo socda:
1-Abdilahi Yusuf iyo Saamaynta ay ku yeelatay dabeecada adag ee Mudug;
2-Abdilahi Yusuf iyo Saamaynta waqtigii uu noolaa;
3-Abdilahi Yusuf iyo Saamaynta Askarinimadu ku yeelatay aragtidiisa iyo go’aamadiisa;
4-Afgenbigii 1978kii, doorkiisii iyo ujeedadiisii;
Afgenbigii uu ku reday guddoomiyihii ururkii SSF Mustafe Xaji Nuur iyo ujeedadii ka dambaysey
5- Dhalashadii iyo burburkii ururrkii SSDF iyo kaalintii uu ku lahaa?
Alle ha ha u naxariistee, waxaa geeriyoodey nin magcweyn iyo raad aan la yaraysan karin ku lahaa siyaasada Somalida ee maanta, taariikhdii burburkeedana qayb wayn ku la haa. Sidaas awgeed qiimaynta taariikh nololeedkiisa waxay dhextaalaa dadka Somaliyeed oo dhan, waana wajib in loo qiimeeyo si mug leh oo gar-soornimo ah, iyoda oo ay tahay waqti isa-saamax ku haboon, ayaa haddana ay tahay in taariikhdana xaqeeda la siiyo oo aan been laga sheegin sidii wax u dhaceen iyo sababaha ay u dheceen toona. Rag badan oo ka hadlay taariikh nololeedkiisii iyo saamayntii uu ku lahaa siyaasada Somalida ayaan dhegaystey. Ragaasi dhamaantood waxay ka hadleen, oo keliya, qof la yidhaahdu Abdilaahi Yusuf, ee kamayan hadlin Abdilahi Yusuf oo ahaa Daahirad Ijtimaaci ah (a Social phenomenon) oo xidhiidh la lehaa waqtigiisa, bulshadiisa iyo cimilada dalkiisa. Kuwaas oo samayn ku lahaa korriinkiisii iyo aragtidiisii uu nolosha ku camal fali jrey. Waxaas oo dhan oo isku dhafan ayaaa ka dhigay Abdilahi Yusuf, Alle ha u naxariistee, (sida qof kastaba oo jiraa yahay) Daahirad ijtimaaci ah caalam sidiisa u taagan oo aan xuduud lahayn, guntiisan la gaadhi karayn. Kaas oo ka kooban dhinacyo fara badan. Mitaal ahaan Markii Qaarada America la helay ayaa nin dhakhtar ahaa yidhi “qof keliya oo bani Aadam ah maskaxdiisa ayaa ka wayn America, taasaana u baahan in si qoto dheer loo baadho”.
Aniga oo haddaba ka eegaya dhinacyadaas badan, ayaa waxaan rabaa in aan wax ka idhaahdo saddex Abdilahi Yusuf oo aan aqoon kooban u lahaa, ama saddex dhinac oo ka mid ahaa waxyaalihii sameeyey aragtidiisa dhaayihiisa iyo awodiisa qof ahaaneed. Iyo waxa uu la wadaagey guud ahaan siyaasiyiinta Somalida ee manta iyo weliba wax uu kaga duwanaa:
Abdilaahi Yusuf iyo saamaynta cimilada dalkiisa: geyiga uu ku dhashay ee uu ku ababay kuna barbaaray waa gobolka Mudug ee badhtamaha Somalia oo ah gobol ku can baxay colaado iyo dabeecada dhulka ama cimilada oo aad u adag marka loo eego gobolada kale ee Somaliladu degto. (Wiil labaatan jira oo Mudug jooga Ilaahay uma xilqaran)
Mudug waxaa dega reeraha Maxamuud Saleebaan (Majeerteen) Habar-gidir, Mareexaan, Wacayslay (Abgaal) iyo reerro yar yar oo kale. Waxaana ka imaan jirey badiba siyaasiyiintii Somalia soo xukumay, min Abdirashiid ila Siyaad Barre. Dabeecadda adage ee Mudug waxay Abdilahi Yusuf ku dheehday sifooyin badan oo bart-tilmaameed u noqon karaya shaqsyada uu yeeshay ee gaarka u ahayd; sida mintidnimo, geesinimo, max-adayg, ma-daalenimo, iyo damac xad-dhaafa ah. Intaas oo dhami waa waxaa Somalida xoolo dhaqatadu, gaar ahaan degaanka mudug looga yaqaan sifooyinka“Ninka Ragga ahi” leeyahay. Abdilahi Yusuf, Alle ha u naxariisee, wuxuu lahaa maskax dabeeci ah oo ka sarraysa midda qofka caadiga ah, taas oo awood u siisay in uu markii uu ku jirey Academi-gii militariga ee Frunza Academy in uu noqdo qofka mar walba u gala namberka kowaad imtixaanada, sidaan madax ugu noqday kooxdii Somaliyeed ee uu kula jirey Academiga (ogoobey Abdilahi ma soo marin tacliin school oo rasmi ah( formal education) ee asaga ayaa mintitnimo wax isu baray.
Abdilahi Yusuf iyo Saamaynta waqtigiisa: Abdilahi yusuf, wuxu ku barbaaray dhulka baadiyaha ah ee Mudug 1930s. Waqtigaas oo, sida aynu malayn karro, Somalida xool dhaqatadu ka sinayd aragtida qabyaalada oo markaas ahayd midda keliya oo qofku ku koro kuna ababo ama Adduun-araga qudha ee jirey waagaas. Taasi waxay dhaxlsiisay Abdilaahi inay aragatida qabiilku si qotodheer u saamayso, asaga iyo dadkii da’diisa ahaa ee Somalida, gaar ahaana kuwii ka soo jeeday goblka Mudug ee ay isku waqti barbaareen, sida Siyaad Barre, Salaad Gabayle, iyo General Maxamed Farax Aydiid, oo dhammaantood ka soo jeeday gobolka Mudug. Raggaasi oo markii ay Xoogga Dalka Somaliyeed ku jireen loo yiqiin (afarta damaaci,) sida uu ii sheegay, Alle ha u naxariistee, General Abdulle Barre.
Abdilahi Yusuf iyo saamaynta ay ku lahayd askarinimadu: Aragtidiisa iyo go’aamadiisa Siyaadsadeed waxaa saamayn weyn ku lahaa Askarinimada. Askarinimadu ama Militarigu waa xirfad loo tababaro ujeedada dagaalka iyo Adduun-araga dagaalka. Taas oo qofka ka dhigta una habaysa idolojiyada dagaalka, oo ah in wax walba lagu xaliyo laguna dhameeyo dagaal aan waan-waan iyo jixin-jix midna lahayn. Dagaalkuna sidiisaba waa ku adkawo ama ku dhimo. Iyo Marka aad adigu sarraysona amarkaagu ha socdo marka lagaa sarreyona amar qaado. Taasaana sabab u ah in talisyada askartu hugaamiyaan u iishaan digtaatoorinimo iyo keli talisnimo.
Sidaas darted, ayaa Abdilaahi Yusuf ugu jihaysnaa dagaal military oo joogto ah, iyo fal-celin toosa oo aan waan-waan iyo hakad siyaasadeed midna lahayn. Taasaana keentay in adduun-aragiisu ahaado mid afgenbi militari ah oo aan marnaba waan-waan iyo meel-dhexe ama dibu-heshiin lahayn. Sidaas darteed bu waqtigii uu hugaaminayey Ururkii SSDF ugu hogaamiyey dhabaha keli talisnimada iyo nin toocsiga aan debecsanaanta lahayn. Taasoo ugu dambayntii burburisay urukii SSDF oo ahaa mid ay Somalidu u dhammayd markii hore, ka gadaalse ku soo koobay reerka uu ka soo jeedo oo keli ah, arrimaha kor ku xussan darteed . Abdilahi, xorraynta Somalia waxaa uu u arkayey sidii laba ciidan oo iska soo hor-jeeda oo u dagaalamaya ujeedada ah in shacabka Somalida marba labada ciidan ee dagaalamayaa ka xoog rooni qabsado, ka dibna xoog ku xukumo. Shacabkana waxuu u arkayey wax aan kaalin ku lahayn halganka iyo xukunka dalka toona. “Aadanow waxaynu u baahanay labaatan dayaaradood oo Helicopters ah, oo aynu Madaxtooyada kaga dul degno oo Siyaad Barre ku qabano oo keli ah.. Madaxweyn Mucamar Qadafi baan inoo weydiin doona in uu ina siiyo” Abdilahi ayaa igu yidhi anaga oo dayaarad Helicopterah ooy Ethiopia leedahay ku kormeerayna Xeryaha Jabhadii SSDF. Taasi waxay ka dhigan tahay in uu doonayey afgenbi Militari, kaas oo ujeedadiisu ahayd in uu Inqilaabayaa xukunkii Militare ee Siyaad Barre oo keliya. Waxay kale oo sheegaysaa in aanu wax dimoqoraadiyada maankaba ku hayn. Iyo in aanu arkayn in fashalka xukunka Siyaad Barre ku dhacay ay sababtay keli-talisnimada ku dhisan xukunkii militarga iyo qabiilka.
Inqilaabkii April 1978 ee Abdilahi Yusuf hoggaminayey ujeedadiisa iyo caqiidada ka dambaysey waxay ahayd fal-celin xaq ah (legitimate reaction) oo ka dhshay cadaadiskii xukunkii Syaaad Barre, iyo gaar ahaan dagaalkii dalka la geliyey 1977 ee u jeedadiisu ahayd in indhaha dadweynaha Somaaliyeed lagaga jeediyo maamul xumadii gudaha dalka ka jirtey, iyo sidoo kale colaadii gaar ahaaneed ee ka dhexaysay Abdilahi Yusuf iyo M. siyaad Barre dhinac, dhinaca kalena jabkii ku dhacay ciidankii XDLS. In kasta oo afgenbigaasi ka turjumayey baahidii loo qabey is-beddel siyaasadeed mid dhaqaale iyo mid bulshu. Haddana ma ahayn mid looga jeedey dimoqoraadiyad-doon ee waxuu ahaa afgenbi milateri keliya iyo aargoosi shaqsi ahaaned, mana lahayn barnaamij siyaasadeed oo isbedel doona.
Sidaas darted kaalinta aragtida Abdilaahi ee isbedelku waxaa mar walba saldhig u ahaa afgenbi militari iyo gacan sarrayn reerkiisu ku yeesho siyaasada Somalida. Tan dambe oo ay la qabaan dhaamn siyaasiyiinta Somalida ee maantu jiraa.
kala soco tirsiyada dambe: Inqilaabkii uu ridey gudoomiyihii Urukii Somali Salvation Front (SSF) Mustafe Xaaji Nur, iyo sababihii burburiyiyey urukii SSDF iyo kaalintii uu ku lahaa.
Adam Muse Jibril, waxuu ka mid ahaa saraakiishii SSDF, waxaanu ka gaadhey jagada Xoghayaha uruka ee Qorshaynta.
Markii ay is qabteen Abdilahi yusuf waxaa lagu xukumay xukun dil ah asaga iyo 17 sarkaal oo kale markaas oo ay u baxsadeen dalka Yeman sanadii 1984. Markii la dilay Dr. Abdirahman Aydiid ahmed iyo Dr. Abokor Xaji Mohamed (Eikar).
Qalinkii Wakiilkii Hore Ee Somaliland U Fadhiyey Dalka Ingiriiska
Aadan Muuse Jibriil
Email: adamjibril@hotmail .com