|

Buullo-caddo: Ciidanka Xeebaha Somaliland oo gacanta ku dhigay raxan Tahriibayaal Afrikaan ah

Hargeysa 26, March 2012 (Qurbejoog.com)- Ciidanka Badda iyo ilaalada Xeebaha Somaliland, ayaa xalay gacanta ku dhigay raxan tahriibeyaal Itoobiyaan u badan oo doonayay inay ka dhoofaan xeebta Buullo-caddo ee gobolka dhinaca Galbeed ee Awdal.

Kooxdan oo ka kooban 40 qof oo Itoobiyaan ah, 5 Soomaali ah, waxa lala qabtay laba nin oo u dhashay Somaliland oo ahaa wakiilada iyo gadh-wadeenada tahriibayaashaas, sida uu warbaahinta u sheegay Taliya ciidanka Badda iyo ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw-Cusmaan Cabdi.

Waxa uu sheegay in kooxdan tahriibayaasha ah xalay fiidkii lagu qabtay xeebta Buullo-caddo oo u dhaw degmada Saylac, wuxuuna sheegay in loo soo dhaadhicin doono dhinaca caasimada Hargeysa.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in tahriibayaasha iyo wakiiladoodaba talaabo sharci ah laga qaadi doono ka dib marka la keeno Hargeysa, wuxuuna xusay in ciidanka Badda iyo ilaalada Xeebuhu si aad ah uga feejigan yihiin in tahriibayaal sharci-darro ahi ka dhoofaan xeebaha dalka.

Inkastoo la sheego in xeebta dhinaca galbeed ay xudun u tahay dhoofka sharci-darada ah ee tahriibeyaasha Afrikaanka ah, haddana waa markii u horeysay ee ciidanka Badda iyo ilaalada Xeebuhu soo bandhigaan tiro intaa le’eg oo ay qabtaan.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed