|

Mareykanka oo magdhaw ka bixiyay dad dhawaan uu Askari ku laayay Afgaanistaan

Kabul Mar 26,2012(SDN)-Saraakiisha  xukuumadda  dalka  Afgaanistaan  iyo odeyaasha  qabaa’ilka ee gobolka  Kandahaar,  ayaa  maanta  si rasmi ah  u sheegay in  eheladii todoba   iyo tobankii  qof  ee askariga Maraykanka  ihi   ku dilay muddo laba tododbaad laga  joogo  tuulo  ku  taala Kandahaar  la guddoonsiiyey  lacag  mag dhaw ah.

Waxana  eheladaasi lagu  guddoonisiyey  magta  xarunta  guddoomiyaha gobolka  Kandahaar,  iyadoo qof kasta oo dhintay laga bixiyey lix iyo afartan kun oo dollar-ka maraykanka ah,  halka qofkii dhaawacmayna  la siiyey toban  kun oo dollar.

Saraakiisha  Maraykanka ee magtaasi  bixiyey   waxa  ay  u sheegeen odayaasha qabaa’ilka  iyo ehelada  dadka ka dhintay in qaar ka mid ah  Markhaatiyaashii arkayey  markii askarigu  fulinayey  dilkaasi loo duulin doono  dalka  Marayknaka si  cid  kasta u ogaato in maxkamad  cadaalad ah la soo taagayo  askarigaasi, oo u furan warbaahinta caalamka.

SDN-Kabul

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed